Hay’adaha Samafalka iyo Lacagaha Lasoo ururshay oo looga diget iney la shaqeeyaan Hay’adaha horay uga jiray Deegaanada Hiiraan

Kadib markii lamusuq maasuqay lacago loogu tala galay Dadka uu sameeyey Fatahaada Wabiga ayaa ee Gobolka Hiiraan ayaa qayli dhan waxay ka timid Shacabka ku bara kacay Fatahaada Wabiga.

Shacabka Baledweyne waxay ka cababayaan kooxo Sameysray ama horay u lahaa Hay’ado iyo NGO lakala ah kuwasoo sheegtay iney caawinayaan Dadka ku waxyeeloobay Fatahaada Wabiga, wixii loo dhiibo 70% iyagaa afka u dhiganaya.

Laba Hay’adood ayaa hada loo haystaa Aduun dhan 250,000 USD kuwasoo lacagta loogu dhiibay Qoysas kasoo barakacay Wabiga, laakiin Lacagtii loo dhiibay waxay Dadkii gaarsiiyee wax ka yar 50,000 USD.

CabdiXakiin Guuleed oo kamid ah Shacabka kasoo qaxayvFatahaada Wabiga ayaa sidaan yiri ..
“Dad aannilashay ka baqayn oo aan Xishoonayn ayaa afka u dhigtay Waxaawimadii loogu talagalay Dadka Dhibaataysan, Waxaan ka codsaneynaa Deeq bixiyaasha Caalamkabiyo kuwa Soomaaliyeed iney ka fogaadaan Dadka wata Magaca Hay’ado Samafal, Qaarkood horay ayay uga jireen Deegaanka qaarna waa ku cusub yihiin.”

Boqolaal kun oo Dollar iyo Rashid ayaa lagasoo ururshay Puntland, waxay Shacabka Puntland u istaageen taakulayntav Reer Baledweyne, Inta badan Taskulaynta Reer Puntland waxaa gaarsiiya Baleweyne Hay’ado ka jira Puntland laakiin qaarkood waxay wada Shaqeeyaan qaar ka mid ah Hay’adaha loolanka, waana kuwa laga digayo hada.

Puntlandi.com
Baledweyne