Maxaa ku lumay Galmudug , Maxay tahay Sababta ay Dowlada Federaalku xoogeeda isugu geysay Galmudug

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa wax ka ogaatay sababta ay Xukuumada Federaalku ay xoogeeda isugu geysay Galmudug ayna ka fursan waydey iney gacanta ula tagto Kooxdii Ahlu Suna, amaba ay lacago farabadan ku bixiyeen.

Sida aan xogta ku helnay Qorshaha Dowlada ma ahan oo kaliya Maamul u sameyn Deegaankaas, mana ahan sida Dad badan aamin sanyihiin oo ah in Villa Soomaaliya ay doonayso in ay Maamul iyqga taageersan oo ka caawiyaa Doorashada 2020 ay ka sammeeyaan Deegaanka.

Arinta ugu wayn ee keentay in Xukuumada Federaalku ay Lacago Xoogan iyo Ciidan farabadan ay u daabuleyaan Dhuusamareeb ayaa waxay tahay Arin la Xiriirka Heshiisyo lala galay Dowlada Qatar.

Heshiisyadaas waxaa Villa Soomaaliya lagu siiyey Malaayiin Dollar, Malaayiin kalena waxay helayaan dhowaan markii ay Qatar bilowdo Qorshe ay ka leedahay Deegaanada Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.

Sababta ay Villa Soomaaliya ay xoogooda isugu geeyeen Galgaduud waa in Dowlada Qatar ay ka bilowdo shaqo aan ilaa hada lagarayn waxa ay tahay, waxaase la xaqiijiyey in Ciidamada Dowlada Federaalka in loo adeegsanayo inay u dhaba xaaraan Dowlada Qatar isla Markaasna Dowlada Federaalku ay u fuliso Heshiiska ay lagalren Qatar oo Maalaayiin Dollar ku xiran yihiin.

Koox ka socda Dowlada Qatar iyo Koox wakiil ka ah Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Kheyre ayaa Mashruucaan Fulinaya laakiin nasiib daro nooma suura galin inaan ogaano waxa Qatar kaga lumay Galgaduud oo ay Malaayiinka Dollar oo sharci darada ah ay ugu bixinayaan.

Puntlandi.com
Muqdisho