Xildhibaan Cabdifatax Ismaciil Tahir : – Dhaqankii xumaa ee Kacaanka oo kale ayaa Hayada Socdaalku ay dadka ka soo jeeda Degaanada iyo Qabaa’ilka Dawladu neceb tahay ku adkeeyaan Baasboorada iyo Adeegayada kale

Dad badan oo kasoo jeeda degaanadda aan Baarlamanka ku metelo ayaa marar badan ii yimaadda ama telefoono iisoo dira iyaga oo ka cabanaya in adeegyadii ay xaqqa u lahaayeen, sida baasaaboorada, lagu adkeeyay ama loogu diidey in xildhibaankoodu mucaarad yahay.

Markii aan u kuur-galay oo dadka qaarkood aan xafiisyadda baasaboorada laga bixiyo u raacay waxa ii cadaatay in Agaasimaha Guud ee Laanta Socdaalka amar lagu siiyay in uu adeega ku adkeeyo dadka aan metelo si ay taasi u horseedo in aan bedelo mawqifkayga siyaasadeed.

Arintani keliya ma aha sharci-darro balse waa fool-xumo weyn oo dhan ka ah xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurku siiyay muwaadiniinta. Waan hubaa in aysan jirin cid loo dacwoodaa maadaama oo illaaliyihii dastuurku isaguba sharciga baalmarayo markuu doono.

Xukuumadda waxaan u sheegayaa in aan cadaadis la igu aamusiin karin. Dadka dhibanayaasha ahna waxaan ku war-gelinayaa in aan Wasaaradda hawshan qaabilsan ugu yeeri doono Golaha si loogula xisaabtamo gafafkaa la idiin geystay.