Ciidamada Ahlu Suna oo qaab qabiil ukala baxay, Qayb la saaftay Dowlada

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Ahlu Suna ay laba u kala jabeen.

Dagaalka ay Xukuumada Federaalku ku qaadey Deegaanada ay Maamulaan Ahlu Duna Wal Jameeca ayaa sababay in qaab qabiil loo kala jabiyo Xooga Ahlu Suna.

Maleeshiyaadka kasoo jeeda Jifada Madaxweyne Farmaajo ayaa kasoo Jabay Ahlu Suna,waxayna hadda ku biireen Dowlada Federaalka, waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyey Sargaal ka tirsan Ahlu Suna.

Xaalada Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta aad u kacsan waxaana socda is urursi ay wadaan Ahlu suna, waxaana hada Magaalada ku xoog badan Ciidamada dowlada Federaalka.

Puntlandi.com
Dhuusamareeb