Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Dowlada ku eedeeyey iney Dagaal ka abaabuleen G. Galgaduud

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si kulul uga hadlay Dagaalka ka dhex aloosan Dowlada Federaalka iyo Ahlu Suna wuxuuna ugu baaqay Ciidamada iney joojiyaan Dagaalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay in Xili ay Dalka ka jiraan Daruufo bini’aadanimo in ay Xukuumadu bilowday Dagaal iyo Colaad hurin.

Howlgalada ka dhanka sh Ahlu Suna eeXukuumada Federaalku ay ka wado Gobolka Galgaduud ayuu ku tilmaamey mid qaldan oo nabadeynta ka dhan ah.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada Hogaaminsya ayuu uga dhigay iney qaataan Amaro qaldan ayna iyagu Masuul ka yihiin wixii Goboladaas ka dhaca, Waxaa hadalkiisa ka mid ahaa…

‘Saraakiisha Ciidamada Waxaan u sheegayaa inaan la iska yeelayn waa la isoo wacay oo Amar Dowladeed baa la isiiyey”

Puntlandi.com
Gaalkacyo