Dilka Xaaji Saciid Adoon waa dil siyaasadeed

Dowlada Jubbaland ayaa wacad ku martay inay si qodo dheer u baarayaan Dilka loo geystay Ganacsade Xaaji Saciid Ciise Adoon.

Xaajigu euxuu kamid ahaa Dadka ay aadka isugu dhow yihiin Madaxweyne Axmed Madoobe, wuxuuna qayb wayn ka qaatay Soo dhaweyntii wafuudii ka qayb gashay Caleema saarka Axmed Madoobe.

Sida ay sheegeen Dadka aadka ugu dhow Marxuumka, wuxuu Casumaad heer sare ah u sameeyey wafuudii kasoo qayb galay Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe gaar ahaan wafuudi Puntland iyo Kenya ka yimid.

Ganacsade kale oo ay isugu dhowaayeen Marxuumka ayaa yiri..

  • “Dilkiisa ma ahan mid ay Al-shabaab fuliyeen waxaa fuliyey kooxo kale oo Arimo Siyaasadeed u dilay,wuxuu ahaa ninlaga ursanayay Dadaalkii ay Puntland galisay taageerada Axmed Madoobe, waxaa kaloo laga ursanayay taageerada uu taageeray Axmed Madoobe””.

Marxuumku wuxuu dhaqaale badan ku sponsor gareeyey ololihii Doorashada Axmed Madoobe,  waana waxyaabaha loo aanaynayo dilkiisa.

 

Ma jirto cid gaara oo farta lagu fiiqay iney ka dambeeyey DilkaMarxuumka laakiin waxaa jiro kooxo laga shakisan yahay, waxaa sidaas yiri Sargaal ka tirsan laamaha amaanka.

 

puntlandi.com