Shir looga tashanayo Awood iyo Kheyraad qaybsiga Soomaaliya oo Garoweka furmay

Waayadaan dambe waxaa lagu Tahrir falaa awood qaybsiga Dowlada Dhexe, waxaa lasoo saaraa sharuuc la sheego in ay ku saabsan tahay Kheyraadka Soomaaliya iyadoon lagala tashan Puntland iyo Maamulada kale, gabi ahaan waa sharci daro la bal Mary Dastuurka.

Garowe waxaa ka furmay Shir lagu gorfaynayo Awood qaybsiga iyo Kheyraad qaybsiga Soomaaliya, Waxaa soo qaban qaybiyey Gudiga la galinta Madaxweyne Deni.

Kulanka waxaa ka qayb qaadanaya waxgarad,Siyaasiyiin iyo Xubno ka socda Golaha Wasiirada Puntland,

Lataliyaasha Madaxweyne Deni ee uu dhowaan magacaabay ayaa daadihinaya kulanka waxaana diirada lagu saaraya Xaalada Soomaaliya iyo sida Xukuumada Dhexe iyo Maamulada u qaybsan lhayeen Awooda iyo Lheyraadka Dalka.

Waa markii u horaysay oo kulan noocaan ah uu ka dhaco Soomaaliya,waxaana hada keeney inuu qabsoomo baahida loo abo in wax laga qabto qodobadaan uu Shirku ku saabsan yahay.

Sawirada hoos ka daawo