Dowlada Federaalka Oo ogolaatay in Kiiska Bada dib loo dhigo

Ilo Dublamaasiyadeed oo ku sugan nairobi ayaaa Warbaahinta Puntlandi.com u xaqiijiyey in Kenya iyo Doomaaliya ay isfgarad ku gaareen in dib loo dhigo Kiiska Bada ee u dhexeeya Labada Dal kasoo ay Maxkamada Aduunkuna ay aqbashay.

Kenya ayaa dalbatay in Kiiska dib loo dhigo, kulan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyata ku dhexmaray Adis Ababa laba todobaad ka hor ayaa labada Masuul ay ku dhameeyeen in Kiiska dib loogu dhigo Kenya.

Macada sababta ay Masuuliyiinta Dowlada Federaalku ay u aqbaleen codsiga Kenya kasoo dhabar jab ku ah Kiiska Dhanka Soomaaliya.

Waxaa jira shakiyo muujinaya in Kenya ay balan qaadayo u sameysay Xukuumada Farmaajo tasoo ay ku badasheen in Kiiska dib loogu dhigo.

Siyaasiyiinta Nicaaradka oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore Xasan Sheikh ayaa si kulul uga hadlay Kiiska dib loo dhigay isagoo sheegay in ay jiraan waxyaabo la qarinayo, wuxuuna Xukuumada ku eedeeyey inay hoos u dhigayaan Awooda Kiiska dhanka Soomaaliya tasoo Khatar Qaran ah.

Dublamaasiyiin ku sugan Nairobi ayaa Puntlandi.com u sheegay in Nairobi iyo Villa Doomaaliya uu ku dhex jiro Raysal wasaare Abiye Ahmed oo uu ukala dabqaadayo.

Puntlandi.com
Nairobi