Fursaddii Dahabiga ahayd ee ka dhuntay Soomaaliya!

Qore: Tarabi Jama
Saturday, October 12, 2019

Maxay ka dhigan tahay abaalmarinta Nobel Peace Prize (Oslo, Norway) ee Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Dr. Abiy Ahmed ku guulaystay?

 

Ra’iisal Wasaare Dr. Abiya Ahmed wuxuu talada Jamhuuriyadda Demuquraadiga Federaalka ee Ethiopia hogaankeeda qabtay 2, Abriil 2018. Ethiopia waxaa lagu tiriyaa inay tahay dalka labaad ee ugu tirada badan qaaradda Afrika dadkeedana lagu qiyaaso 98.9 milyan. Ethiopia waa dal dadkiisu ka soo kala jeedaan ugu yaraan lix iyo toban (16) qowmiyadood oo Soomaalidu ku jirto. kuna kala duwan diinta, luqadda, iyo dhaqanka. Waa hogaamiyihii afaraad (4) ee Ethiopiyada cusub wuxuuna hogaanka dalkiisa qabtay iyadoo lagu jiro kasoo kabasho burburkii dowladeed ee hogaanka wadanka uu hayey Mengistu Haile Mariam kaasoo saameeyay naf iyo hantiba.

 

In kastoo maqsadka qormadan aysan ahayn sababaha uu Dr. Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ku mutaystay abaalmarinta caalamiga Nobel Peace Prize ee 2019 misana waxaa baraha bulshada hareeyay fursaddii dahabiga ahayd ee ka dhuntay Soomaaliya tan iyo xiligii la doortay Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ee 8da Febraayo, 2017. Inta aynu fursadahaas guda galin bal aan sababaha guusha Dr. Abiy Ahmed wax ka iraahdo.

Akhristow Dr. Abiy Ahmed wuxuu talada qabtay Ethiopia oo leh dowlad dhexe oo federaal ah iyo sagaal (9) dowlad goboleed. Sanad iyo barkaa uu xafiiska joogay marna ra’iisal wasaaruhu ma uusan muujin damac xukun militariya iyo in Ethiopia oo dib loogu celiyo xili shabaha waayihii kali taliye Mengistu Haile Mariam. Waxaa wax badan la iska waydiinayaa dar-darta uu la soo baxay ra’iisal wasaarahan da’da yar oo aan inta badan madaxda wadamada dunida sadexaad khaasatan kuwa Afrika lagu aqoon.  

 

Mudadaas gaaban, Ra’iisal Wasaare Dr. Abiy Ahmed wuxuu muujiyay bisayl siyaasadeed, howl karnimo, iyo dar-dar cusub oo ay ka mid yihiin lana is dhihi karo waxay jawaab u noqon karaan su’aasha sare. Waxaan ku soo qaadan karnaa kuwan:

1.      Fahamka siyaasadaha is diidan ee wadamada dhaca bariga Afrika waliba wadamada colaadaha soo jireenka ahi kala dhexeeyeen sida Eritrea iyo Soomaaliya.

2.      Si la mid ah, wuxuu durbadiiba u tafa xaytay heshiisiinta wadama Suudaanta Koonfureed iyo Midda Wuqooyi.

3.      Wuxuu isku howlay wada hadalsiinta Eritrea iyo Djibouti oo uu ka dhexeeo muran dhanka xuduuda ah.

4.      Wuxuu isku howlay xal u raadinta khilaafaadka baddda ee Kenya iyo Soomaaliya.

5.      Wuxuu la heshiiyay ururkii hubaysnaa Oromo Liberation Front.

6.      Wuxuu la heshiiyay ururadii hubaysnaa sida Ogaden National Liberation Front (ONLF)

7.      Wuxuu xabsiyada ka sii daayay siyaasiyiin iyo askar ka tirsanayd labadaas urur.

8.      Wuxuu sidoo kale xabsiga ka sii daayay saraakiil sar-sare oo ka tirsanayd qowmiyadda Amharada sida Brigadier General Asaminew Tsige oo horay ugu xukunnaa xabsi daa’in.

9.      Hal abuurka suuq dhaqaale oo ka dhexeeya wadamada bariga geeska Africa si wadankiisu u helo dekado ay daddkiisu wax ka dhoofiyaan ama wax kala soo dagaan 

10.  Wuxuu ka qayb galay shirar caalami ah iyo kuwo Afrika ah oo uu ugu baaqay nabad iyo horumar.

 

Sidoo kale, hadaan dib u milicsanno sanaddii 2017, Soomaaliya waxaa ka qabsoontay doorashadii madaxwaynanimo oo ay ku loolamayeen 21 siyaasiyiin oo ay ku jireen madaxwaynayaal iyo ra’iisal wasaaraal hore, siyaasiyiin iyo ganacsato. Nasiibkuse wuxuu raacay ra’iisal wasaarihii xukuumaddii ku meel gaarka ee 2009, Mudane Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” oo dadku intooda badan aysan si dhaba u ogayn aqoontiisa siyaasadeed, midda maamul, aqoonta uu u leeyahay marxaladihii wadanku soo maray, iyo furdaaminta khilaafaadka siyaasadeed ee jira dalka marka laga reebo sideed (8) bilood oo uu ra’iisal wasaare soo noqday dabadeed khaladaad maamul aawadeed lagu cadaadiyay inuu is casilo.

 

Mudane Farmaajo oo lagu xasuusto mushaaraadkii ciidanka oo si habsami leh loo bixiyay mudo xileedkaas ayaa dadka aan u dhuun daloolin siyaasadda Soomaaliya iyo waxa laga doonayo qofka loo cimaamadayo hogaanka sare u muujiyeen dabacsanaan. Taas waxaa bar-bar socday xildhibaanada qaar oo u arkayay inaan jaanis la siin xiligii hore ee wax ka khaldameen maadaama uu siyaasadda ku cusbaa iyo dhaqaale fara badan oo la tuhmayo inay ka timid dowladda Qadar sida meelo badan laga xaqiijiyay oo sababay in loo adeegsaday codadka xildhibaanada qaybtood.

 

Hadaba, waxaa dadka intiisa badan khaasatan dadka isha ku haya hayaankii dowladnimo iyo marxaladihii la soo maray, halka la joogo, iyo meesha laga aadayo is waydiinayaan khaladaadka lixaadka leh ee hareeyay hogaanka Mudane Farmaajo, Madaxwayna Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ah ASTAANTA QARANKA. Waxaa la is waydiin karaa maxaa dadka Soomaaliyeed tabayeen oo u doorteen Madaxwayne Farmaajo. Bal iyadana aan dhowr shay ka iraahno.

1.      Dhowrista Dastuurka dalka, dhamaystirkiisa iyo afti u qaadidiisa oo aan wax la taaban karo ka qabsoomin.

2.      Dhisidda ciidan leh astaan qaran sugi karana xuduuda dalka ee dhul, cir, iyo badba leh. Wali ciidamada Soomaaliyeed waxay ku kala firirsan yihiin dowlad goboleedyada.

3.      La dagaalanka musuq-maasuqa si loo xoojiyo hay’adaha dowliga ee heer federaal iyo mid dowlad goboleed. Waxaad ogtihiin xogtii dhawaan ku saabsanayd musuq-maasuq ku baahay hay’adaha dowladda dhexe oo uu sii daayay madaxa hanti-dhowrka qaranka Soomaaliya.

4.      Sugidda amniga iyo soo afjarka qolyaha nabad diidka ah. Waxaan ognahay tiradii ugu badnayd ee ku dhinta qaraxyada al-shabaab inay dhaceen wixii ka danbeeyay Octobar 2017.

5.      Tirikoobka dadka iyo disid xisbiyo siyaasadeed si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah. Wax tirakooba ah lama samayn wallow ay ururu siyaasadeed is deewaan galiyeen balse aysan wali u gudbin xisbiyo qaran.

6.      Xoojinta hay’ada dowliga ee federaalka si wadanku ugu laaban colaadihii sokeeye iyo marxaladihii laga soo gudbay. Durba waxaa muuqda kala shaki ku baahay dhamaan dowlad goboleedyada oo tilmaamaya in dhaqanka dowladda dhexe u muuqdo kii ciidamada hogaaminayeen sanadihii 1969-1991 oo dadka lagu horjoogay qori caaradii.

7.      Xoojinta siyaasadda arimaha dibadda. Waxaa aad u muuqda jahwareerka siyaasadeed ee dowladda dhexe ka haysta isku miisaamidda siyaasadaha is diidan ee ka dhaxeeya wadamada qaar khaasatan kuwa Khaliijka.

8.      Kobcinta maamul goboleedyada wadanka ka jira khaasatan dhanka dhaqaalaha iyo maamulka. Waxaad ogtihiin cunaqabataynta lagu hayo maamul goboleedyada qaar khaasatan Galmudug iyo Jubaland.

9.      Dar-dar galinta wadahadalada Somaliland si loo ilaaliyo wadajirta Soomaaliya. Ku dhawaad sadex sano oo kooxda N&N xuskunka haystay waxay ku guul daraysatay dib u bilaabidda wadahadii xukuumadda federaalka iyo Somaliland.

10.  Ku heshiinta qaybsiga khayraadka iyo deeqaha dalka si loo dhowro wadajirka wadanka. Ka dhib shirkii khayraadka dalka ee lagu qabtay Baydhao ee 2018, waxaa la ogtahay in dowladda dhexe ka gaabisay meel marintiisa. Dhaqaalihii wadankana loo adeegsaday kala furfuridda dowlad goboleedyada.

 

Madaxwaye Farmaajo waxaa lagu doortay cod aqlabiyad ah iyadoo loo igmaday dar-dar galinta howlaha aan kor ku soo sheegay. Markiiba madaxwaynuhu wuxuu booqasho ku tagay dowlad goboleedyda dalka iyadoo aad loo xasuusto socdaalkiisii dheeree ee Garowe ilaa Boosaaso, Gaalkacyo ilaa Dhuusa Mareeb xili dadwaynuhu safnaayeed jidadka dadkuna raxan raxan uga hortagayeen hadba halkuu marayo. Dad badan waxay safarkaas ku mataaleen socdaalkii halyaygii MAHATMA GANDHI ee India ee qaatay tobanka (10km) oo lug ah maalin kasta muddo 24 maalmood ee uu ku marayay dhul baaxaddiisu tahay 384km laga bilaabo Sabarmati Ashram, ilaa Dandi. 

 

Dadka Soomaaliyeed waxay safafka u taagnaayeen aragtida madaxwayne Soomaaliyeed oo lagu tuhmayay wadaniyad iyo daacadnimo. Ma ahayn mashaariic uu ka fuliyay deegaanadaas mana ahayn dhaqaalo uu ku bixiyay wax ka qabashada baahiyadooda. Waxay ahayd siin fursad labaad oo uu wax ku qabto kuna soo bandhigo fakirkiisa siyaasadeed waxayse noqotay “la mood noqose waa”. Madaxwaynuhu wuxuu dhumiyay fursado badan oo uu ku xaqiijin karo xilkii loo igmaday. Madaxwaynaha oo ujeedkiisu ahaa ka qayb galka shirka Ururka Goboleedka IGAD oo ay ku bahoobeen sideed (8) dal ee fadhigiisu yahay magaalda Addis Ababa ee Ethiopia ayaa la kowsaday shaacinta guusha Ra’iisal Wasaare Dr. Abiy Ahmed. Nasiib darase, hadda oo aan u fadhiyo qoraalka warqaddan Madaxwayne Farmaajo wuxuu qayb ka yahay madaxda ku sii qulqulaysa BEERTA NABADDA ee aasaaaskeedu lahaa ra’iisal wasaaraha Ethiopia xili jahwareer siyaasadeed dowladda dhexe ee Soomaaliya uu kala dhaxeeyo Dowlad Goboleedyada Soomaaliya qaarkood khaasatan Dowlad Goboleedka Jabaland. Xal u helid la’aanta khilaafkaas wuxuu curyaamiyay dhamaan haykalkii dowladnimo ee heer federaal.

 

Sidoo kale, waxaa magaalo xeebeedka Kismaayo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland ka socda caleema saarka Madaxwayne Ahmed Mohamed Islaan (Ahmed Madoobe) ee markii labaad ku guulaystay kursiga madaxwaynenimo. Waxaa xusid mudan in Madaxda dowlad goboleedyada qaybtood, madaxwaynayaashii hore ee wadanka soo hogaamiyay, ra’iisal wasaarayaal hore, madaxwaynayaashii hore ee dowlad goboleedyada qaarkood, xildhibaano iyo senatoro ka tirsan xukuumadda federaalka, ganacsato iyo martisharaf ka socda wadamada dariska ay ka qayb galayaan caleemasaarka.

 

Madaxda halkaa isugu tagay qaybtood waxay sheegeen in tegidda magaalada Kismaayo aysan ku boobnayn xafladda caleema saarka Madaxwayne Ahmed Madoobe balse ay bar-bar socoto madal la isaga waraysan doono mowjadaha siyaasadeed ee uu wadanku wajahayo iyo baqdinta laga qabo inay meesha ka baxdo DOWLADNIMADII SOOMAALIYEED IYO NIDAAMKII LAGU HESHIIYAY EE FEDERAALKA.

 

Madaxdu waxay aad uga walaacsan yihiin muddo korarsi aan sharciyaysnayn iyo dib ugu laabashada dowlad dhexe oo ku tumata xuquuqda shacabka khaasatan dadka ka aragti duwan. UGU DANBAYN, indheer garadka iyo dadka ka faalooda siyaasadda Soomaaliya ayaa ku doodaya in kaalintii dowladda dhexe ee xal u raadinta arimaha murugsan meesha ka maqan tahay. Taa badelkeeda, waxaa muuqata bay leeyihiin in madaxda qaranku isku howleen kusoo laabashada kuraasta 2020/2021 xilli shacabka Soomaaliyeed ka sugayeen furdaaminta arimahii loo igmaday ee aan kor ku soo xusay. Waxaan la cadayn karin in madaxwaynaha qaranka iyo xukuumadda ay sanadda hartay ku bixindoonto wadahadal iyo inay ku socondoonto wadadii horee ee dareenka adag laga dhaxlay.

Tarabi Jama – Minneapolis, U.S.

tjama1@yahoo.com