Madaxweyne Deni “ Baaq baan u dirayaa kuwa saluugsan Natiijada Doorashadii Jubbaland”

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka khudbeeyey Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Qodobo dhowra ka hadlay.

Deni wuxuu baaq u doiray Siyaasiyiinta saluugsanaa Doorashadii iney tanaasul muujiyaan,

Madaxweynuhu wuxuu Xukuumada Federaalka ugu baaqay in si degdeg ah loo sii daayo Wasiirkii Anniga Jubaland oo wali Muqdisho ku xiran wuxuuna yiri…

  • Wasiir Cabdirshiid xarig ma midna ee bilagsbunke mudan yahay, wuxuu lasoo dagaalamay Cadawga Dalka, waan ogtahay Qofka masuulka ah qalad waa ka dhici karaa, Dambi wuu gali karaa intuu ku Gudo jiro shaqadooda, arimahaas waa in lagu xaliyaa Wadahadal iyo gogol , wuxuu u xiran yahay waa Arimo Siyaasadeed Waxaan ku baaqayaa in lasii daayo”

Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in xal deg deg ah laga gaaro Dastuurka qabyada ah., hadii taas la gaari waayo waa ind eg deg loo helaa qaab doorsho si Doorasho u dhacdo.

Wuxuu kaloo ku baaqay Madaxweyne Deni in Siyaasiyiinta Dalka in ay iska kaashadaan  iney Dulqaad muujiyaan , wixii kitins dukqaad lagu dhameeyo,

 

 

puntlandi.com

kismaayo