Live Kismaayo Daawo Sawirada Xaflada — Siyaasiyiinta ilaa hada hadlay oo baaq Adag u diray DF” Hal saac Laguma dari karo Doorashada

Waxaa wali socda Caleema safarkii Madaxweyne Axmed Madoobe (kor ka daawo). Xaflada waxaa oo hada socota ayaa Masuuliyiintii Khudbeeyey waxay si kulul u weerareen Madaxweynaha Federaalka oo ay ku eedeeyeen in wakhti kororsi uu damac San yahay.

Masuuliyiinta ayaa soo jeediyey shir Qaran oo deg deg ah.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadalkiisa ku dheeraadey ayaa si Adag ugu baaqay in Xukuumada Federaalku ay joojiso qaabka ay wax u wado, Cabdiraxmaan wuxuu sicadag u yiri “ Wakhti la koror safro ma jiro hadaad isku deydaan idinkaa masuuliyadeeda leh wixii ka yimaada”

Sanetor Muuse Suudi oo hadal ka jeediyey Xaflada ayaa sheegay in Xukuumada hada jirtaa ay dalkii ku ridey Ceel aysan kasoo saari Karin ee Dalka hala badbaadsho”

Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa isna ku baaqay in Wakhti kororsi laga waantoobo.

Puntlandi.com
Kismaayo