Aaden Bare Ducaale “ Waxaa Nasoo diray oo nasoo wakiishay Madaxweyne Uhuru Kenyata”

Gudoomiyaha Xisbiga Aqlabiyada Kenya Aaden Bare Ducaale oo khudbad dheer ka jeediyey Xaflada Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu Madaxweynaha Kenya soo wakiishay uuna usoo dhiibay Hambalyo uu usoo diray Madaxweynaha la dooertay.

Aaden Bare wuxuu sheegay in Kenya ay Soomaaliya lagarab taagan tahay kaalmo walaaltinimo.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Joogotaanka Ciidamada Kenya uu qayb ka yahay Amisom ayna u joogaan Soomaaliya Amaanka Kenya.

Wuxuu ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in Shacabka Soomaaliyeed ee Reer Kenya ay ku faanayaan hadaad midowdaan oo aad gacmaha isqabsataan.

Wafdiga Kenya ka yimid oo u badnaa Xildhibaano Reer Kenya ah waxay khudbadohoodii ka dib u duuleen Kenya iyagoo sii salaamay Ciidamada Kenya ee Jubbaland ku sugan.

Puntlandi.com
Kismaayo