Warbixin:- Madaxweyne Farmaajo oo Itoobiya waydiistay Ciidan la keeno Gobolka Gedo

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen Nairobi ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Taliska Amisom ka dalbaday Ciidamo dheeraada oo Wadanka Itoobiya ah in la geeyo Gobolka Gedo isla markaasna meeleha ay Ciidamada Kenya Gobolkaas ka jooga ay kuwa Itoobiya badalaan.

Warar ka kale ee aan helnay waxay sheegayaan in Dowlada Federaalku ay isku dayday in Ciidan kanuu ahogaamoyo Korneyl Cabaas ay ka badalaan goobaha ay joogaan balse uma suura galin.

Ciidanka Korneyl Cabaas waxay Garab Layihiin Ciidanka Kenya, badankoodana waxaa lagusoo tababaray Kenya, Laakiin waxay ku socdaan Magaca Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Cabaas oo Madaxweyne Farmaajo ay isku heyb yihiin wuxuu taageersan yahay Jubbaland iyo Axmed Madoobe.

Wararka aan helnay waxay sheegayaan in Amisom ay ku gacan sayrtay codsiga Dowlada federaalka iyagoo qiil ka dhigtay inaysan Miisaaniyad u hayn Ciidan dheeraada oo Soomaaliya la keeno, balse waxay Dowlada Federaalka usoo jeediyeen iney Beesha Caalamka u gudbiyaan dalabkooda maadaama ay iyagu bixiyaan Miisaaniyada Amisom.

Talada ay Amisom usoo jeedisay Dowlada Federaalku ma aysan qaadan laakiin waxay aadeen wado kale oo uga fudud oo ah inay Itoobiya toos u waydiistaan Ciidan dheeraada, maadaama Itooboya horay loogu yaqiinay iney Soomaaliya soo galiyaan Ciidan ka baxsan Amisom.

Inkastoo safarka Madaxweyne Farmaajo uu hada ku joogo Adis Ababa uu ahaa Casumaad uu ka helay Itooboya hadana kama marna inuu Madaxweynuhu uu codsigiisa u gudbiyo Raysal wasaare Aby Ahmed.

Maxay tahay sababta uu Mdaxweynuhubu dalbanayo Ciidan Itoobiyaan ah

Dowlada Federaalka waxaa xujo ku noqdey Axmed Madoobe iyo Kenya , Waxayna hada u muuqataa in Ay Villa Soomaaliya ay ka quusteen Kismaayo taa badalkeeda waxay istuseen qaab cusub oo ah in ay Jubbaland ka feer dhisaan Jubbaland kale oo sal dhigi doonta Garbahaaray, tasoo aan la aqoon taageerada ay kanhelayso Shacabka Gobolka.

Garbahaaray waa meesha kaliye ee Gobolka Gedo ka mid ah oo ay Villa Soomaaliya iyo Maamulka ay damacsan yihiin iney ku dhawaaqaan ay Sal dhigi karaan, Magaalooyinka kale ee Gobolku waxay taageersan yihiin Madaxweynaha Jubbaland ee Axmed Madoobe, waana sababta keentay in Villa Soomaaliya ay ku galayaan inay raadsadaan awood kale, Awoodaasna waxaa loo arkay inay noqon karaan Ciidanka Itoobiya.

Waxaa xusid mudan in ay Dowlada federaalku horay ay isugu dayeen iney Kismaayo u adeegsadaan Ciidan Itoobiyaan ah xiligii Doorashada, Ciidankaas waxaa Hawada ka celiyey Axmed Madoobe oo ku dalbadey Ciidanka Kenya, Amisom oo falkaas ka hadashay waxay Sheegeen in Ciidankaas uusan qayb ka ahayn Amisom, waxaase la xaqiijiyey iney Baydhabo kasoo dubleen, ayna halkaas ku laabteen markii loo diiday iney soo cagdhigaan Kismaayo.

Puntlandi.com
Nairobi