Daawo Sawirada Xasan Sheikh oo Kismaayo u dhoofay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Kismaayo u dhoofay, waxayna noqonaysaa Wafdigii labaad ee Maanta Gasra Kismaayo.

Xasan Sheikh iyo Wafdigiisa oo u badan Xisbigiisa Siyaasadeed Ayaa Waxay ka qayb galayaan Caleema Saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan Waxaa kaloo Wafdigiisa kamida Xildhibaano labada Gole ka tirsan iyo Odoyaal dhaqameed.

Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa iyana la sugayaa iney Kismaayo soo gaaraan.