Xog Kulankii Xalay ee Bosaso “ Dowlada Federaalka oo Madaxweyne Deni ka codsatay inuu Ka odoyeeyo Arimaha Jubbaland”

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa heshay Xogta rasmiga ah ee ay ka wada hadleen Wasiirada Federaalka iyo Madaxweyne Deni.

Kulankii xalay ku dhexmaray Bosaso Labada dhinac ayaa Dowlada Federaalku waxay Madaxweyne Deni ka codsadeen inuu ukala dab qaado Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka Jubbaland si taasi u suura gashana uu Axmed Madoobe baajiyo Caleema Saarka, uuna furo Gogol Wadahadal oo looga hadlayo Mustaqbalka Jubbaland waa sida ay hadalka u yiraahdeene.

Wasiirada Federaalka ayaa Madaxweyne Deni usoo jeediyey in uu waanwaantaas bilaabo.

Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com Xogta ku heyso arintaas ay Dowlada Federaalku usoo jeedisay wuu ka biyo diidey wuxuuna Madaxweyne Deni uu U sheegan Wasiirada inay Ayaan daro iyo masuuliyad daro ay tahay inay Puntland u yimaadaan Arintaan iyadoo uu jiro khilaaf u dhexeeya Puntland iyo Federaalka, Arimaha Jubbaland waxaa ka horeeya in la xaliyo Arimaha Puntland iyo Villa Soomaaiya, wuuna ku gacan seyray Madaxweyne Deni.

Wararka kale ee aan helnay waxaa kamid ahaa in Wasiiradu ay aad u danaynayeen Arimaha Jubbaland oo qura Sababtana waxaa loo badinayaa in Villa Soomaaliya Ay aamin santahay in hadii Xaflada Caleema Saarka qaban qaabadedu sii socoto ay Wajigabax kala kulmayaan, waayo Iyagoo sheegay in ay Xireen Hawada Kismaayo ayaa Madaxweyne Deni uu ka degi doonaa halkaas, dhanka kalena culays weyn ayaa wuxuu ka jiraa Muqdisho oo Siyaasiyiin badan ayaa u tafa xaydanaya Tagitaanka Kismaayo, mana jiraan qaab ay markale ku hor istaagi karaan siyaasiyiintaas inaysan tagin Kosmaayo, Waxaana jira cabsi ay Villa Soomaaliya ay ka qabto waxa dhici kara hadii ay hor istaagaan Siyaasiyiinta Aadka u caraysan ee Muqdisho ku sugan

Hadaba In ay Deni ka dalbadaan Inuu ka odoyeeyo arinaha Jubbaland ayaa waxay tahay kaarto cusub oo Villa Soomaaliya ay ciyaarayaan laakiin taas Deni kama gadmin, waxayna u muuqataa inuu taas fahmay.

Madaxweyne Deni Waxba iskams badalin safarkiisii Kismaayo, wuxuu maanta kasoo degay Garowe halkaasoo ay ku sugayeen Qaybihi ugu muhiimsanaa Wafdiga uu i kaxaysanayo Kismaayo, kuwasoo ka koobnaan doona labada Gole ee Puntland, Qaar kamid ah Odoyaal dhaqameedka , Siyaasiyiin aan Xil hayn iyo Xubno kamid ah labada Aqal ee Federaalka oo Garowe kunsugnaa.

Kismaayo waxaa ka socda qaban qaabada Soo dhaweynta Madaxweyne Deni oo si wayn looga dareemayo Kismaayo.

Jamcada waxaa iyana Kismaayo imaanaya wafdi ka imaanaya Muqdisho

Puntlandi.com
Garowe