Breaking News— Buuq ka taagan Muqdisho, Sheikh Shariif, Cabdiraxmaan Cabdishakuir oo Kismaayo ku wajahan iyo DF oo carqaladaynaysa

Xiisad Siyaasadeed ayaa waxay ka taagan tahay Muqdisho kadib markii ay Xukuumada Federaalku ka warheshay Wafdi balaaran oo ka kooban hogaamiyayaasha Xisbiyada oo doonaya inay beri u safraan Kismaayo,

Madaxweynayaashii hore Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh ayaa Wafdiga ka mid ah, waxaa weheliya Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa socda Abaabul la doonayo in laga khashkhashaado safarkoodo si ay u baaqdaan.

Warar rasmi ah oo Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in cabsi xoogan laga qabo inuu dhaco Buuq Siyaasadeed oo hubeysan hadii la hor istaago mar kale Wafuudaan.

Madaxweyne Shariif ayaa horay looga hor istaagay inuu u safro Kismaayo.

Puntlandi.com
Kismaayo