Shirkada Diyaaradaha Uganda oo dhowaan bilaabaysa duulimaad Hargaysa ah

Shirkada Diyaaradaha ee Uganda Airline oo dhowaan shaqada dib u bilowday ayaa kobcineysa shaqadooda, kadib markay dhowaan timaado Diyaaradii Afraad oo Shirkadu yeelato.

Duulimaadyadeeda cusub ee ay qorshaynayso waxay ku tagi doontaa Kinshasa, Zanzibar, Asmara Eritrea, Hargeisa(Somaliland), Lusaka, Harare, Johannesburg Djibouti iyo Addis Ababa.

Qorshaha Mustaqbslka ee Shirkada waxaa kaloo ka mid ah iney soo iibsato laba Diyaaradeed labada sano ee soo socda.

Madaxa Gudiga duulimaadyada Yugandha Perez Godfrey ayaa wuxuu yiri “ Waxaa naga go’an inaanaan Shirkada Diyaaradaha Uganda Airline aan gaarsiino meel sare ayna kamid noqoto kuwa uguvadeega badan Afrika”

Bishii hore ayay Uganda Airline ay bilowday Duulimaadyadii ay ku tagaysi Muqdisho.

Puntlandi.com
Kampala