Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi “Warqada ay Villa Soomaaliya soo saartay waa mid muujineysaa Rag laga adkaadey iyo Dowladnimadii oo la fowdeeyey

Xildhibaan Ahmed Moalin Fiqi

Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka ayaa waxay maanta soo saareen Warqad ay ku sheegeen Habraaca Doorashada ay sheegeen inay dhowaan ka dhagayso Jubbaland.

Hadaba Siyaasiyiin badan ayaa Hadalka kasoo yeeray Villa Soomaaliya waxay ku tilmaamen Jahawareer Siyaasadeed iyo Dowlad nimadii oo la bal maray.

Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markuu Akhriyey Warqada kasoo baxday Wasaarada Arimaha Gudaha wuxuu ku tilmaamey mid aan waafaqsaneyn Dastuurka, Wuxuuna sheegay Markii Dowlada Jubbaland ay talaabo qaado ama ay Xaflad ka jirto buu dhiigi ku karaa Dowlada Federaalka, wuxuuna yiri

  • “ Warqad aan Dastuurka iyo Sharuucda Dalka meelna ka cuskaneyn oo Wasaaradaan ay soo saarto waayadaan dambe ma aha wax inaki cusb, Tani waxay muujineysaa tabar darida iyo fowdo ay Dowladnimadii Dalku ay si saani ah cagta u sii saartay”

Waatan hoose warqadii maanta kasoo baxday Villa Soomaaliya