Dowlada Federaalka “Jubbaland Diyaarad Masoo iibsan karto”

Waxaa lagasoo xigtay Xukuumada Federaalka Soomaaliya inay tiri Jubbaland Diyaarad Masoo iibsan karto.

Waxay kaloo Xukuumadu sheegtay in Hadii Diyaarad lasoo iibsanayo loo baahan yahay Ogolaanshohooda iyo in Muqdisho laga Diiwaan galiyo.

Xukuumada Jubbaland ayaa shalay shaacisay soo iibsashada Diyaarad qaado karta ugu yaraan 50 rakaab ah, arintaan ayaa waxay Muqdisho ka dhalisay hadal hayn badan.

Hadalka kasoo yeeray Villa Soomaaliya ayaa Wuxuu muujinayaa Awooda Xukuumada Federaalka iyo sida aysan u awoodin iney fuliyaan Amarada ay soo saaraan.

Dadka falanqeeya Ganacsiga waxay sheegeen in Jubbaland ay xor u tahay inay Diyaarad iska daaye ay soo iibsadaan Maraakiib iyagoon cidna ogolaansho ka haysan.

Xuseen Cagadheer oo Kismaayo ku sugan wuxuu yiri “Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Amisom ayaa ilaaliso Amarka Xukuumadu halkaas oo quruu ka shaqaynayaa, Wax awoodana uma ay lahayn inay kantaroolaan Bakaaraha Island daa Kismaayo”.

Puntlandi.cim
Kismaayo