Himilada Dhisida Ciidamada Bada Itoobiya iyo kaalinta Faraniisku ka qaadanayo, Warbixin dheer

Itoobiya waxay qorsheyneysaa inay dib u dhisto ciidamadeeda badda, 27 sano kadib xornimadii Eritrea iyo kala diridii ciidamadeeda badda ee xoogga badnaa. Intii lagu gudajiray booqashadii Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee Itoobiya bishii Maarso 2019, Faransiisku wuxuu ogolaaday inuu Itoobiya ka saacido Dhisida Ciidamada Bada iyo howlgalada badda.

Raii’sel wasaare Abiy, oo xilka la wareegay bishii Abriil 2018, ayaa sameeyey isbeddelo waaweyn oo siyaasadeed iyo dhaqaale oo ay ka mid yihiin cafiska kooxaha mucaaradka ee la masaafuriyey iyo dib-u-heshiisiinta cadawgeeda deriska ah ee mudada dheer soo jiray, Eritrea.

Laakiin marka la eego siyaasadiisa nabadeed, PM Abiy wuxuu ka sheegay bishii Juun 2018, telefishanka dowliga ah: “Waxaan dhisnay mid ka mid ah dhalka ugu awooda badan iyo ciidamada cirka ee ugu Awooda badan Qaarada Afrika … waa inaan dhisnaa awooda ciidankeena badda mustaqbalka.”

Itoobiya waxay aasaastay ciidamadeeda badda 1958. Sanadihii 1970-yadii, Ciidamada badda ee Itobiya waxay ahaayeen ciidamada bada ee ugu horeeya Afrika. Markii ay Ereteriya xornimada qaadatay 1991, Itoobiya waxay si lama filaan ah ugu noqotay Dal aan lahayn xeeb sidaa darteedna ay ku kala dirtay ciidamadeeda badda.

In la dhiso saldhig Ciidan badeed adoo Bad lahayn waxay u baahan tahay maalgelin ballaaran oo dhaqaale, in la iibsado maraakiib iyo waqti badan oo lagu tababaro ciidamada.

Raadinta saldhig ciidan oo militari

Dhawr wadan ayaa la sheegay inay suurtogal tahay in Itoobiya ay ka hesho saldhigga ciidamada badda ee Itoobiya.

Jabuuti:

Itoobiya waxay dhowaan la saxiixday heshiis si ay qayb uga qaadato dekada Jabuuti, oo hadda gacanta ku haysa qiyaastii 95% dhammaan dhoofinta iyo soo dejinta, Waxay sidoo kale ku dhisaysaa jid cusub oo tareen oo 759 km ah, kaas oo ku isku xiraya caasimadda Addis Ababa illaa dekedda Dekedda Jabuuti. Itoobiya waxay leedahay 11 markab ganacsi, oo hadda saldhigoodu yahay Jabuuti, halkaasoo ay uga sii safraan meelo kala duwan.

Somaliland

: Itoobiya waxay sidoo kale heshiis la gashay dawlad-iskeed isku magacowday ee Somaaliland, 19% saamiga dekeda Berbera kaas oo ay kujirto qorshe lagu dhisayo wado laga soo bilaabo xuduudeeda ilaa dekada Berbera, waxaa kaloo jiray heshiis ahaa in ay Somaliland martigelin doonto saldhig ciidamada badda ee Imaaraadka Carabta oo ay saaxiib dhow yihiin Itoobiya.

Kenya:

Bishii Meey 2018, Itoobiya waxay heshiis la gashay Kenya si ay u fududeyso isticmaalaan Xeebta jasiiradda Lamu iyadoo qayb ka ah mashruuca Lamu Port-South Sudan-Ethiopia-Transport (Lapsset), aduun dhan $ 24 bilyan iyo qorshaha kaabayaasha isku xira labada dal ee Kenyabiyo Itoobiya. Mashruucan ayaa la saxeexay sanadkii 2012 laakiin waxaa la soo darsay dib u dhac ku yimid maalgalinta iyo dhibaatooyinka amniga.

Suudaan:

Heshiis ay la saxeexday Suudaan bishii May 2018, Itoobiya waxay oggolaatay inay horumariso Port Suudaan, iyada oo la doonayo in la ballaariyo dekedaheeda isla markaana la dhimo khidmadda dekada, Heshiiskaasvhakad ayuu galay kadib markii ay burburtay Xukuumadii Xiligaas Sidaan ka jirtay Laakiin Xukuumada cusub ee Sudan Way til galiyeen heshiiska, Waxaana socda waan waan lagu balaarinayo heshiiskaas.

Ereteriya

: Kadib markii Itoobiya iyo Ereteriya ay dagaallameen sanadihii 1998-2000, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis nabadeed sanadkii 2018. Si kastaba ha noqotee, xiriirka u dhexeeya Ereteriya uma badna inuu burburi doono illaa iyo inta ay Itoobiya mar kale ku tiirsanaan doonto dekeddeeda Assab iyo Massawa, Waxa kale oo jirta qatar ah in himilada ay Itoobiya doonayso iney kusoo iibsato maraakiibta Ciidanka ay cabsi gelin karaan Eritrea, Marka waxay Itoobiya khasab ku noqonaysaa iney Abuurto kalsooni weyn oo ay u muujinayso Shacabka Eritrea.

Puntland

Waxaa jira fursado badan oo Itoobiya ay ka heli karto Maamul Goboleedka Puntland oo ka tirsan Federaalka Soomaaliya, Itoobiya waxay saaxiib dhow la tahay Puntland laakiin wali ma jiro qorshe ay Itooboya ama heshiis Badeed oo dhex maray labada dhinac, Hadana Itoobiya maskaxda way ku heysaa in Puntland tahay fursada ugu balaaran ee dabooli karat baahideeda badeed, Maadaama deegaankas uu yahay kan ugu dhow marka loo eego Wadamada kale ee ay heshiiska la gashay.

Itoobiya iyadoo xasuusan xaaladaha labada Dal ay soo wada Mareen waxay ilaalinaysaa saaxiibtinimada Soomaaliya waxayna sugaysaa wakhtiga munaasibka ah ee ay heshiis kula gali karto Puntland.

Waxaase jira heshiisyo ku salaysan adeegyada Ganacsiga oo Itoobiya ay doonayso inay la gasho Puntland ayna ka qayb qaadato dhismayaasha kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland,balse hada Itoobiya Qorshaha uguma jirto inay Saldhigyo Ciidan ka samaystaan Xeebaha Puntland-Soomaaliya.

Heshiiskii millateriga Faransiiska iyo Itoobiya (Maarso 2019)

Markay ahayd Maarso 13, 2019, Itoobiya iyo Faransiisku waxay gaareen heshiiskoodii ugu horreeyay ee iskaashi milatari, heshiis kaas oo ay ka mid tahay in Itoobiya laga caawiyo sidii ay u dhisi lahayd ciidamada badda, Sidoo kale heshiisku waxaa kamid ahas iskaashi xagga hawada ah, hawlgallo wadajir ah iyo fursado tababarro iyo indica Qalab Ciidan.

Faransiisku waxay horay hubka uga iibiyeen ciidamada badda ee Masar iyo Sacuudiga, waxayna awood u leedahay inay Itoobiya ka taageerto dhismaha ciidamadeeda badda.

Tababarka ciidamada badda

Itoobiya wali waxay leedahay mac’had badeed oo madani ah oo tababaraya in kabadan 500 oo injineero badda iyo saraakiil farsamo oo elektiroonik ah sanad kasta, iyadoo la qorsheynayo inay tababarto in kabadan 1,000 sarkaal sanadkii. Itoobiya waxay kaloo tababbaraysaa saraakiishaa “wadamada saaxiibka la ah.”

Soo Koobid

Istiraatiijiyadda, nabadgeliyada juquraafi ahaan iyo welwel dhaqaale ayaa sabab u ah himilada Itoobiya ee Dhismaha ciidamada badda,
Dhan ka kelana Danaha juqraafi ahaan, dhaqaale ahaan iyo xuquuqdeeda waxay ku ilaalin karats in la isticmaalo biyaha caalamiga ah ee Badda Cas.

Booqasho afaraad oo uu ku tagay Geeska Afrika, Madaxweyne Emmanuel Macron wuxuu doonayey inuu ku xoojiyo isku dhafka awoodda jilicsan ee Paris iyo Geeska Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka iyo aqoonta iyo sidii milatarigiisa ay saldhig uga dhigtaan gobolka Badda Cas. Macron waxaa weheliyay wafti ganacsato ah. Faransiiska ayaa bixin doona qiyaastii $ 96 milyan oo doolar oo lagu taageerayo furitaanka dhaqaalaha Itoobiya. Sanduuqan waa in lagu buuxiyaa $ 16 milyan oo gargaar farsamo ah oo ay bixiso Hay’adda Horumarinta Faransiiska (AFD).

Itobiya waxay leedahay himilooyin dhanka bada ah, Safaradeedii ugu dambeeyay ee gobolka waxay soo jeedinayeen ama ku dadaalayeen inay kala xaajoon karto saldhig ciidamada badda ah ee ay la wadaagto deriskeeda xeebaha.

Faransiiska ayaa ogolaaday inuu ka caawiyo Itoobiya sidii loo dhisi lahaa ciidan badeed laakiin waxay ku qaadaneysaa sanado inay Itoobiya soo iibsato maraakiibta ayna tababarto ciidamada looga baahan yahay inay si buuxda ula yeelato ciidamada badda.

Warbixintaan waxaa qoray Saxaafada Fransiiska, waxaa Soo turjumay Puntlandi.com