Breaking News—Dowlada Federaalka oo isku dayday in ay Xamar soo marto Diyaaradii sidey Shariif Xasan


Xarunta laga hago Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa khadka isgaarsiinta Diyaaradaha waxay kulasoo hadleen Duuliyihii waday Diyaaradii sidey Shariif Xasan Sheikh Aaden ee ku wajahnayd Kismaayo.

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa heshay Xog ku saabsan wadahadalka dhex maray Muqdisho iyo Diyaarada Xili ay soo gashay Hawada Soomaaliya.

Duuliyaha Diyaarada waxaa khadka isgaarsiinta looga wargaliyey in ay Diyaaradu kasoo degto Muqdisho ama ay ku noqoto Kenya.

Laakiin Duuliyuhu wuxuu si toosa ugu sheegay Gabar khadka Muqdisho kasoo hadlaysay in uu Amar ka haysto Dowlada Jubbaland oo uu ka degayo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Wadahadal dheer kadib wuxuu Duuliyihii uu aakhirkii khadka isgaarsiinta ku damiyey Qolyihii kasoo hadlayay Muqdisho.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay bishii hore sy manicuren Diyaaradaha toska uga deganaa Kismaayo, Doyaarada sidey Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee javist Amarkii Villa Soomaaliya.

Dowlada Jubbaland ayaa waxay beri war kasoo saaraysaa Wafuuda timid Kismaayo iyo kuwa imaanaya Maalmaha soo socda.

Puntlandi.com
Kismaayo