Xog cusub oo ku saabsan Shirkii Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, Maxaa dhacay oo aan hada ogaanay, Fadeexad iyo Wajigabax

Waxaa 2 dii Oktobar iyo Arbacadii 3 Oktobar Soo gabagaboobay Shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Deeq bixiyaasha Caalamka, Shirka ajandihiisa wuxuu ahaa in ay kasoo qayb galaan oo uu noqday heer Wasiireed, wafuuda kasoo qaybgalaysa,maalinta kowaad inuu furo Raysal wasaare Xigeenka Dalka, in Maamul Goboleedyada Dalku ay heer Madaxweyne ugasoo qayb galaan iyo in maalinta labaad ay Madaxweynaha DF iyo Raysal wasaaraha DF ay khidbado kasoo jeediyaan.

Maxaa dhacay oo isbadalay maxaynuse ayna ogayn

Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay ku heshay warar rasmi ah oo aan ilo Dublamaasiyadeed ka helnay dhowr bilood ka hor ayaa waxaa Bilowday qaban qaabada Shirkaan waxay Beesha Caalamku soo jeediyeen in Shirka lagu qabto Nairobi laakiin waxaa arintaan ka hor yimid Dowlada Federaalka Soomaaliya oo codsatay in Shirka lagu qabto Muqdisho oo Shirka ay maamusha ama qaban qaabiso Dowlada Soomaaliya, Beesha Caalamku waxay ku adkeysteen Amaanka awgiis in aan Shirka lagu qaban Karin Muqdisho.

Arintaan waxaa ka dhashay muran iyo su’aalo fara badan ,is jiidjiid ka dib waxay Beesha Caalamku soo jeediyeen in Shirka lagu qabto Xalane, Ajandihiisa iyo qaabkuu u dhacayo, Martida la casumayo ay Dowlada Federaalku ay maarayso, sidaas ayaa aakhorkii lagu heshiiyey.

Maxaa dhacay markii la gaaray maalintii furitaanka Shirka iyo maalmuhuu socday.

Shirka oo heer Wasiir ahaa waxaa gabi ahaan gooyay oo baajiyey kasoo qayb galkooda Wasiiradii imaan lahaa waxayna badankoodu soo direen Xubno aad u hooseeya oo ka tirsan Wasaaradohooda Arimaha dibada, taasi waxay keentay in meeqaamkii Shirka uu hoos u dhaco.

Safiirka Ingiriiska oomaalintii kowaad khudbad jeediyey wuxuu Masuuliyiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya uu ku tilmaamey ineysan ka muuqan Masuuliyad hogaan.

Madaxweyne Farmaajo ka baaqashadiisii

Sida Ajanduhu ahaa Madaxweyne Farmaajovwuxuu khudbad ka jeedin lahaa Shirka maalintiisii labaad iima ahayd maalintii xiritaankiisa. laakiin Madaxweyne Farmaajo wuu gooyey oo ma imaan kulanka.

Waxaa loo badinayaa inuu Madaxweynuhu u baaqdey hoos u dhaca meekhaamka Shirka iyo sababo la xiriira Khudnadihii laga jeediyey maalintii kowaad oo qaarkood aad u dhaliilayeen Villa Soomaaliya,sida Safiirka Ingiriiska khudbadiisii iyo cabsi uu Madaxweynuhu ka qabay in la waydiiyo sababta Puntland iyo Jubbaland uga maqan yihiin Shirka.

Maxaa kasoo baxay Shirka

Shirka waxaa kasoo baxay uun in ay Beesha Caalamku ogaadeen heerka ay maanta maarayso Siyaasada Soomaaliya,hadaladii Safiirka Ingiriiska waxaa kamid ahaa “ Waxaan Soomaaliya galinay kharash iyo wakhti badan, maantana sida wax ubsocdaan ma ahan saan filaynay” Hadaba Waxaana shaki ku jirin in Natiijada Shirkaan ay saameyn weyn ku yeelanayso Xiriirka Beesha Caalamka iyo Madaxda sare ee Soomaaliya.

Puntlandi.com
Muqdisho