Breaking News— Kenya oo mar kale dalbatay in dib loogu dhigo dhagaysiga Kiiska Bada

Dowlada Kenya ayaa mar kale ka dalbatay Maxkamada Aduunka in dib loo dhigo Kiiska Bada ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Qareenka Guud ee Dowlada Kenya ayaa Maxkamada Aduunka wuxuu shalay u gudbiyey Codsigaan.

Bishii hore ee Septembar 9 keedii oo dhagaysiga dhici lahaa ayaa dib loo dhigay kadib markii ay Kenya codsatay in dib loogu dhigo, Maxkamada Aduunka kuna Way aqbashay codsigiibKenya, waxaana labada Dal la balamiyey 4 Novembar, laakiin hadana Kenyacwaxay tiri diyaar manihin 4 Novembar ,

Laba Wafdi oo ka socda Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxay hada ku sugan yihiin Dalka Holland waxaana u yeeray Maxkamada Aduunka oo halkaas ku taal.

Lama oga in Maxkamada Aduunku ay mar kale aqbalayso codsiga Kenya walow ay Soomaaliya aad ugasoo hor jeedo in Kiiska mar kale dib loo dhigo.

Puntlandi.com
Nairobi