Sarkaal Reer Puntland oo ka tirsanaa Ciidamada Commandos ee DANAB oo ku geeriyooday Miino loo dhigay Wadada Afgooye

Laba Xidigle Maxamed Cali Cismaan ” Maxamed Yariisow ” oo ka soo jeeda Puntland ahaana Taliyaha Ururka 3aad ee Ciidamada Commandos ee Danab ayaa Allaah ha u naxariistee u geeriyooday dhaawac maalintii shalay ka soo gaaray Miino loo dhigay Gaarigii uu saarnaa oo maraayey wadada u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Afgooyo.

Waa nasiib darada haysta Shacbiga Puntland in Wiilashoodii iyo Maalkoodiiba ay maalin walba ku waayaan raadinta, dhisida iyo Difaaca Qaranimo Somaaliyeed, taas oo dhaxalkeedii iyo Abaalkoodii noqday in ay gacanta u gasho Cadaw caqli xun oo habeen iyo maalinba u ku mashquulsan Hagardaamada, Colaada iyo Naceybka ay u qabaan Shacbiga iyo Dawlada Puntland.

SHACBIGA PUNTLAND AYAA NOQDAY DULMANAYAAL CABASHO IYO CABAAD KA SOO HARAY,KUNA KHASAARAY RAADINTII DAWALDNIMO SOMAALIYEED , WELINA HURDO,XISHOOD IYO IS DHAWRID KU JIRA.

WAA ISU QABE, AAN CIDNA U QABIN WANAAG IYO ABAAL,COLAAD MOYEE !!!!

Lieutenant Mohamed Ali Osman “Mohamed Yarisow” was the Commander of the 3rd Company of Danab special forces. Officials confirmed he was among 6 soldiers killed in Wednesday’s IED attacks on the Mogadishu-Afgoye corridor. He was said to be one of the bravest, rising Danab officers