Xukuumada Federaalka oo Lacagtii ugu badnayd ku aamusisa Xildhibaanada Federaalka

Madaxweyne Farmaajo wuxuu yiri lacagtii lagu ridi jiray Raysal wasaarayaasha Ayaan ku iibiney Aqalka Safaarada Soomaaliya ee Maraykanka, Waa arin Macquul ah laakiin Madaxweynuhu muxuu ka oranayaa Lacagaha lagu aamusiyey Xildhibaanada hada Xilka haya oo ka dhigay Baarlamaankii ugu liitay ee Dalka soo mara.

Mid kamida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Warbaahinta Puntlandi.com siiyay wakhti yar wuxuu noo iftiimiyey Qaabka ay Xildhibaanada Federaalku ay ku qaataan lacagaha ka baxsan Mushaarkooda, Laaluush cusub.

Wuxuu yiri sidaan hoose isagoo ka tixraacaya Hadalkii uu Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey furitaankii Dhismaha Safaarada Soomaaliya ee Washington DC.

Xildhibaanada hada jooga waa Sadex qaybood, iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ,Laba qaybood waxay gacan saar la leeyihiin ayna u adeegsan Villa Soomaaliya.

  1. Qaybta kowaad :- Waa kuwo katirsan Golaha Wasiirada waxayna isugu jiraan Wasiirka iyo Wasiiro Xigeenka, waana laba mushaarayaal.
  2. Qaybta labaad:– Waa Xildhibaano loo waxay xilal laakiin lagu qanciyey iney qaataan Lacag joogto ah, Waxaana shaqo looga dhigay iney meelahaas ama Baraha Bulshada iyo Saxaafadaha ay ka difaacaan Xukuumada, waxayvqaataan Lacag u dhiganta tan ay Wasiir xigeenadu mushaarka u qaataan, Waxaa lacagtooda bixiya Dowlada Qatar.

Labadaan kooxood waa qaab cusub oo lagu laaluusho Xildhibaanada waana sababta ka dhigtay Baarlamaanka Soomaaliya mid Curyaan ah oo jeebka ugu jira Xukuumada,.

Qaybta sadexaad waa Xildhibaanada Mucaaradka ah oo haday isu taagan aan awood saaka yeelan Karin, waxay iska qaataan mushaarkooda Sharciga ah.

Waxaa kusoo haray Gudoomiyaha Baarlamaanka. waa Nin hambal ah oo lacagta ugu badan ee Qof Muqdisho joogaa uu qaato ayuu qaataa waxaana si toosa u bixisavDowlada Qatar.

Waxaa xaqiiq ah in Xukuumada hada jirta ay bixiyaan lacagtii ugu badnayd abid oo lasluush lagu bixiyo si ay kursiga usii joogaan. waxaana maalgaliya Dowlada Qatar.

Dowlada Maraykanku vwaxay Soomaaliya ku caawiyeen Lacag lagu dhisi lahaa Dhismaha Aqalka Safiirka Soomaaliya ee Waashintoon, Waxaa kaloo jira Lacag ay Qatar ku bixisay Dhismaha Safaarada ee hada Xariga laga jaray,

Puntlandi.com