Wasaarada Deegaanka iyo Xoolaha ayaa sheegtay in la diray Xoolihii loo dhoofin jiray Dubai

Dowlada Puntland ayaa ku guulaysatay in si sharuud la’aan ah loogu dhoofiyo Xoolaha Soomaaliya Dalka Emaraatka.

Wasiirka Deegaanka Puntland oo kulan la qaatay Masuuliyiinta Emaaraatka ayaa cadeeyey in Xoolaha Soomaaliya laga bilaabo hada loo suuq geyn karo Emaraatka.

Lama sheegin in Xoolaha laga dhoofin karo meelo kale oo aan Puntland ahayn laakiin ilaa hada Wararka aan helayno waxay sheegayaan in la fasaxay Xoolaha soo Mara Xarunta Xoolaha la dhoofinayo lagu baaro ee Bisaso.

Puntlandi.com
Bosaso