Amaanka Kismaayo oo la adkeeyey kadib markii la helay macluumaad lagasoo abaabulay Muqdisho

Axmed Jama oo ahaa Gudoomiyihii Isbadal doonta xiligii Doorashada, waxaa shalay oo jimce ah lagu dhawacmay Kismaayo

Wasaarada Amniga ajubbaland ayaa Villa Soomaaliya ku eedeysay weerarkii lagu dhawacmay Axmed Jaamac Qalyar oo kooxo hubeysan ay dhaweceen Shalay.

Sargaal u hadlay Jubbaland ayaa sheegey in falkaan uu ahaa mid lagasoo abaabulay Muqdisho oo Soyaasadeysan.

Wasaarada Amniga Jubbaland waxay hada soo saartay Amar lagu adkeynayo Amaanka Magaalada iyadoo cidii loo qabto amaan xumo uu mutaysanayo Ciqaab.

Magaalada ayaa hada amaankeeda aad loo adkeeyey, waxaana socda howlgalo lagu sugayo Amaanka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa horay ugu dhigay Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Amaanka Jubbaland loosoo maray howl badan aysana yeelayn in khalkhal lagaliyo

Axmed Jama oo ahaa Gudoomiyihii Isbadal doonta xiligii Doorashada, waxaa shalay oo jimce ah lagu dhawacmay Kismaayo[/caption]