Breaking News —-Jubbaland oo noqonaysa Maamulkii u horeeyey oo Shirkada Diyaaradeed Saysta

Maamulka Jubbaland ayaa meel wanaagsan ka maraya iney dhowaan Hawada u duulaan, Diyaarad ay iska kaashanaya doonaan Ganacsato Reer Jubbaland iyo Reer Kenya ayaa dhowaan ka howl bilaabi doonta Kismaayo- Nairobi iyo Kismaayo Adis Ababa.

Sida ay ilo Xog ogaal ahi u sheegeen Puntlandi.com waxaa socda Abaabul Xoogan oo lagu hirgalinayo Shirkad Doyaaradeed iyo Isgaarsiin u gaara Jubbaland.

Ganacsade Axmed Yaasiin ayaa Puntlandi ku yiri sidaan “Waxaamahad u sugnaatay Ilaahay,ka solow Waxaan u Mahadcelinaynaa Dowlada Kenya oo noo sahlaysa Duulimaadkaan ay iska kaashanaya doonaan Reer Jubbaland iyo Reer Kenya, waxayna noqon doonta shirkad Castro ah oo radios ah, Shacabka Reer Jubbaland ay dareemi doonaan, waxaa iyana xigi doona Isgaarsiin Janan oo casri ah”.

Dhanka kelana Dowlada Jubbaland ayaa qaybta ugu weyn ka geysan doonta iyadoo ay jiri doonaan Koontooyin samafal oo iyana ka qayb qaadan doona hirgalinta Diyaaradaan.

Puntlandi.com
Nairobi