Raysal Wasaare Kheyre oo Ciidan Beeleed kooban urursanaya, kuna hubeynaya Qalabkii Qaranka


Malaayiin Dollar oo waxaa jira ay Beesha Caalamku u qoondeysay Dhismaha CIIDAN QARAN, oo Madaxweyne Farmaajo uu saxiixay, lacagta waxaa isticmaalkeeda bixin kara oo qura Raysal wasaaraha

Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre wuxuu maalmahaanba ku Mashquulsanaa Ururinta Ciidamo Beeleedyo gaara, kuwasoo uu sheegay inuu Qaramaynayo.

Beelaha dega Galmudug, Hiiraan , Qaybo ka mida Koonfirta Hirshabeele iyo Koonfirta Galbeedka ayuu Ciidamo ka dalbaday Raysal wasaaruhu.

Mashruucaan waxaa lagu maal galinayaa Malaayiin Dollar oo loogu talagalay in lagu dhiso Ciidamo Qaran.

Dhuusamareeb waxaa la isugu geeyey 1500 oo Ciidan hal beel ah kuwasoo huwan Magaca Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Wuxuu dhowaan 300 wiil ka dalbadey Beesha Xawaadle si loogu biiriyo Kuwii uu isugu geeyey Dhuusamareeb, shalay wuxu Raysal wasaaruhu Uu Beesha Raxanweyn ka dalbadey 250 wiil oo Dhuusamareeb lageeyo.

Waxaa cajiib ah iyana Beelaha dega Gobolada Galmudug uma dhama Ciidankaan uu Raysal wasaaruhu ku ururinayo Dhuusamareeb, iskba daa Gobolada kale ee Dalkee., Beesha degta Deegaanada Caabudwaaq oo Galmudug ka tirsan hal wiil loogamasoo darinn Ciidamo beeleedkaan la qalabeynayo, lamana waydiisan Ciidan.

Xiriir aan la sameynayo Maamulada Puntland iyo Jubbaland waxay noo sheegeen ineysan waxba kala socoto Qorshe lagu dhisayo Ciidan Qaran oo hada socda.

In hantida Lagusoo hele Magaca Qaranka ay Dad gaara isticmaalaan oo ay ku hub urursadaan waa wax ka baxsan Nidaamka aFederaalka ee Soomaali ay ku heshiisay, waana Xuduuda dib loo jaleeci karo isbahaysiyadii Dagaaladii Sokeeye ee Dalka haligayaal Sagaashanaadkii, waxay kaloo wiiqaysaa Rajadii Dowladnimada ee la hiigsanayay.

Waxaa xusid mudan oo aan Qarsooneyn in Sadexdii sano ee lasoo dhaafay dhamaan Qalab iyo Hubkii ay Saaxiibadeen ugu deeqeen Soomaaliya ay gacanta u galeen Ama loo qaybiyey Ciidamo Beeleedyo gaara oo huwan Magac Ciidan Qaran, kuwasoo aan xitaa awoodin iney hantiyaan Amaanka Deegaanadooda Sababtoo ah ma ay lahayn Qibrad Ciidan, mar marka qaarna iyaga lakala ilaaliya ama iyagaa isu adeegsada Qalabkaas.

Ciidamadan Soomaaliyeed oo ladhisaa waa wax sahlan, waana hubaal iney lawareegi karaan shaqada Ciidamada Amisom ee ku sugan Koonfurta Dalka, Laakiin Masuuliyiinta Qaranka ayaa hortaagan kuwasoo u sahlaya in Askar shisheeye ay quutaan shilinkii uu Askariga Soomaaliya ah quudan lahaa.

Qalabkaan aad hoos ku aragtaan waxaa loogu deeqay Soomaaliya Dhamaan waxaa loo qaybiyey Muqdisho, Galmudug iyo Hirshabeele, Wax aan Sadex gaari ka badebyen ayaa Baydhabo la geeyey,

Puntlandi.con