Ugaas Xasan “ Dhalinyarada G. Hiiraan loo qaadimayo Dhuusamareeb “

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ah Isimada Gobolka Hiiraan ayaa Xukuumada Federaalka ku eedeeyey iney Dhalinyaro ay ka urursanayaan Magaalada Baledweyne, si ay u sugaan Amaanka Dhuusamareeb xili uu amaanka Gobolka Hiiraan uu u baahanyahay in la sugo iyo Gobolka oo ay joogaan Ciidamo ajnabi ah.

Ugasku wuxuu si cad uga horyimid qorshe Ciidan looga qaado lahaa Baladweyne si loo geeyo Dhuusamareeb.

Dhanka kale Ugaas Xasan oo ah Igaaska Beesha Xawaadle wuxuu sheegey in Raga loosoo diray inay Ururiyaan Dhalinyarada uu kamid yahay Sargaal Hogaminayay Ciidan Beeleed Dagaal Beeleed ka qaybqaatay dhowaan, wuxuuna Sargaalku isoo jeedaa Degmada Mtbaan.

Puntlandi.com
Baledweyne