Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaaraha oo ku khilaafsan Arimaha Jubbaland

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com hayaan ayaa sheegaya in Raysalvwasaare Kheyre uu usoo dhaga nuglaadey Jubbaland isla markaasna uu diyaar u yahay inuu aqbalo Natiijada Doorashadii lagu doortay Axmed Madoobe, Halka Madaxweyne Farmaajo uu arinkaas ka biyavdiidan yahay.

Raysal wasaare Xasan Cali Kheyre oo maalmahaanba ku mashquulsanaa Dhisida Maamulka Galmudug ayaa dhanka kale wuxuu wax ka badalay qaabkii ka aaminsanaa Jubbaland wuxuuna Diyaar u yahay inuu la fariisto Hogaamiyaha Markale la doortay Axmed Madoobe, waxaa sida Puntlandi.com u xaqiijiyey ilo wareedyo kala duwan oo ka agdhow Raysal wasaaraha.

Dhanka kalkena Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka xumaadey in Raysal wasaaruhu uu damac noocaas ah qaato xili khilaaf xoogan uu dhex yaal Isaga (Madaxweynaha) iyo Axmed Madoobe.

Raysal wasaaraha ayaa wuxuu diyaarvu yahay in laga wada hadlo Khilaafka Horsens loogu socdo, isagoo ka duulaya inuu yahay Raysal wasaaraha Reer Jubbaland ee ISSN ahayn oo qura Raysalvwasaaraha Reer Galmudug.

Siyaasiyiinta indha indheeya Arimaha Siyaasada Gudaha DalkacwaxayvIdorasayaan in uu Raysal wasaaruhu uu ciyaarayo kaar Siyaasadeed oo ku lug leh Doorashada soo socota, uuna u weel baneysanayi inuu balaariyo taageerada uu ku dhex leeyahay shacabka.

Dad ay isku heyb yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaa iyana waxayø Halfdan ugu jiraan in Madaxweyne Axmed Madoobe laga wareejiyo Awooda iyagoo adeegsanaya Awooda Dowladnimo ee gacanta ugu jirta Madaxweynaha.

Puntlandi.com
Gaalkacyo