Dr. Maxmed Y. Ismaaciil ( Dr.Burhaan )oo la gudoonsiiyey abaal marinta ” Heroes Of Chemistry Award “ee Dalka Maraykanka.

Dr. Max’ed Yuusuf Ismaaciil (Dr.Burhaan)ayaa waxaa la guddoonsiiyay abaal marinta ay bixiso hay’adda Kiimikada ee dalka Maraykanka ee American Chemical Society (ACS )Dr. Max’ed ayaa ka mid ahaa culumo (Scientist) ku xeel dheer cilmiga kiimikada oo isugu jiray kuwo wax ku soo kordhiyay aqoonta kiimikada iyo kuwa soo saaray waxyaabo nolosha bin-aadamka wax tar uleh oo bishii la soo dhaafay ee August 25, 2019ka, abaal marintaas lagu guddoonsiiyay magaallada San Diego ee gobolka California. Abaal marintaas oo la siinayay culummada ku xeel dheer cilmiga kiimikada eeseddex shirkadood oo ka mid ah kuwa dawooyinka soo saara (Pharmaceutical companies) oo ay ku jirtay shaqayniyay DR. Max’ed Yuusuf Ismaaciil ee Paratek Parmaceutical oo ahayd shirkaddii uu shaqaynayay markii uu soo saaray dawada uu ku guuleystay.

Abaal marinta la siiyay Dr. Max’ed Yuusuf Ismaaciil ayaa waxaa uu ku mutaystay inuu soo saaray ama uu isagu curiyay xirmo dawo ah oo lagu magacaabo Aminomethylcyclines oo ah dawooyinka Nuzyra iyo Seysara , waxaana oggolaaday ama aqoonsaday hay’adda dowladda Maraykanka u qaabilsan maamulka cuntada iyo dawooyinka FDA (U. S. Food and Drug Adminstration) dawadan ayaa ah ayaa qoys ahaan ka mid ah dawooyinka Qalijiyeyaasha ah ee lidka ku ah bacteria-da (Antibiotics ).
Sida la sheegay dawada uu caalimkan soo saaray Oktoobar sanadkii 2000, ayaa wax weyn ka taraysaa ama ku soo kordhisay oo wax ka bedeshay awooddii dawooyinka qalijiyeyaasha ahaa, oo daawadaan ayaa waxay awood u leedhaya ka taraysaa wax-yeellada ama bakteeriyada ay dawooyinka qalijiyeyaasha wax ka tari kari waayeen sida Oof-wareenka (Pneumonia).

Dr. Max’ed Yuusuf Ismaaciil ayaa ka mid ahaa ardaydii kulliyaddii kiimikada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ka qallin jabiyay taariikhdu markay ahayd 1985kii, wuxuuna shahaadadiisa PHD ka qaatay jaamacadda Massachusetts 1993kii.

Dr. Max’ed oo hadda ku nool magaallada Eden Prairie ee gobolka Minnesota, ayaa waxaa uu soo saaraya waxyaabo badan isagoo waliba sida la xaqiijiyay wali gacanta ku haya dawooyin cusub soo saaristooda, waxaa intaas dheer oo hadda gobolo badan oo ka mid ah dalka Maraykanka caan ka ah oo aad looga cabbaa caanaha fadhiga(Yoghurt)ee uu isaga soo saaray ee lagu magacaabo Ziwa.