Farmaajo oo Seeftiisa qabiil nacaybka ah la dul maray shaqsiyaadka ka soo jeeda Beelaha Majeerteen iyo Xildhibaanadii iyo Senotaradii oo Caado-qaatayaal noqday

Qore : Mahdi Yusuf Dhuux

Farmaajo oo Seeftiisa qabiil nacaybka ah la dul maray shaqsiyaadka xilalka sare ka haye dawladda Federaalka ee ka soo jeeda Beelaha Majeerteen

Xisbiga maanta xilalka lagu qabto ama lagu matelo waa 4.5, taas buu Farmaajo madaxweyne ku yahay kuna yimid.

Dhamaan shaqsiyaadkii ay dawladda Farmaajo xilka ka qaaday waxay ku bedeshay shaqsi kale oo ka soo jeeda beesha shaqsiga xilka laga qaaday, marka laga reebo beelaha Majeerteen oo iyaga uu Farmaajo dagaal toos ah ku hayo.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shaqyaadka ka soo jeeda beelaha Majeerteen ee xilalka sare ka hayey dawladda Federaalka ku haya sifayn uu uga qaadayo xilalka, isagoo ka xayuubiyay xilkii u dambeeyey ee ay beelaha Majeerteen ka hayeen dawladda Federaalka, kaas oo ahaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaashaandhiga oo uu ka qaaday Warsame Maxamuud Xasan.

Farmaajo ayaa horay xilka uga qaaday shaqsiyaadkan hoose ee ka soo jeeda Beelaha Majeerteen:

1- Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada C/wahaab
2- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Bashiir Americo
3- Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Dr Bashiir
4- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaashaandhiga Warsame
5- Taliye ku xigeenkii Nisa Amiin Xaaji Khayr
6- xoghayihii safaarada Turiga Xasan Qacle
7- Agaasimihii xafiiska raysal wasaaraha Kaynaan
8-Agaasimihii wasaaradda maaliyadda somalia Axmed Dayib

Hal Agaasime iyo hal Taliye oo ka soo jeeda beelaha Majeerteen kama shaqeeyo dawladda uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo, isagoo xilalkii ka qaaday masuuliyiintaas oo uu ugu yimid iyagoo xilal ka haya dawladda Federaalka.

Farmaajo waa nin cuqdadaysan ulana diriraya beelaha Mareerteen si toos ah, isagoo u muuqda nin aad ugu ciilqaba beelahaas.

Waa kuwan Masuuliyiintii ugu danbeeyey ee uu bishii hore kaliya uu xilalkii ka qaaday