Xog Cusub—- Kenya oo Ciidan nooc cusub ah u tababarasa Jubbaland

The Kenya Defence Forces (KDF) Army Commander, Lt. General Leonard Ngondi meets with Interim Jubbaland President, Ahmed Madobe during his visit to Kismayo, Somalia on 28 August, 2015. AMISOM Photo/ Awil Abukar

Dowlada Kenya ayaa Maaliyiin Dollar ku kharash garaynsysa Dhismaha Ciidan Cusub oo Jubbaland yeeland doonto.

Dublamaasi Kenyan ah ayaa Warbaahinta Puntlandi.com ay kasoo xigatay in Kenya ay wado qorshe cusub oo lagu xoojinayo Dhismaha Amaanka Jubbaland, ayna Kenya ku maal gashaneyso Malaayiin Dollar oo qayb ka ah Miisaaniyada 2020-ka loo Qorsheeyey Amaanka Kenya, Amaanka Kenya Winther badan wuxuu ku xiran yahay Sidii uu Hadaba yahay Amaanka Jubbaland.

Sida aan Xogta ku heyno Kenya waxay Qorsheynaysaa inay u sameeyaan Jubbaland Ciidan Khaasa oo leh Sirdoonkooda kuwasoo ilaalin doona Soohdinta Soomaaliya,

Ciidankaan waxay wada shaqayn doonaan Ciidan isna noocaan oo kale Kenyan ah kuwasoo iyana ka howlgali doona dhanka Kenya, waxayna noqon doonaan kuwo ka baxsan Ciidanka KDF.

Kulan todobaadkii hore ka dhacay Kismasyo oo dhex maray Saraakiisha Kenyan sh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa looga hadlay Qorshahaan cusub.

Puntlandi.com
Nairobi