Beesha Caalamka oo ukala dabqaadeysa Farmaajo iyo Axmed Madoobe

Waxaa socda da’daalo ay Beesha Caalamku ku doonayso inay dhameeyaan Khilaafka u dheexaya Madaxda sare ee Villa Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Safiirada Ingiriiska, Sweden iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa bilaabay dadaalkaan iyadoo ay dhowaan tago doonaan Muqdisho iyo Kismaayo.

Bartamaha Bishaan ayaa la qorsheeyey in Wakiilada Beesha Caalamku ay Muqdisho taagan, iyagoo ay wegeliyaan Wafdi ka socda waxaad Kaslmada iyo Horumarinta ee Qaramada Midoobey kuwasoo iyana qiimeyn doona baahida bini’aadnimo ee ka jirta Soomaaliya.

Kismaayo waxaa tago doona Wafdiga Beesha Caalamka isla maalmahaas.

Khilaafka u dhexeeya Madaxda Dowlada Federaalka iyo Madaxweynaha la doortey ee Jubbaland ayaa hada wuxuu matayaa meel aad u saraysa oo aan waxba la idyls Harin.

Dhowr jeer oo hore ayay Beesha Caalamku ay ku dhawaaqeen in laxaliyo khilaafaadyada si hore loogu socdo, laakiin dhinaca dhag uma jalaq siin.

Labada dhinacba waa Villa Soomaaliya iyo Kismaayo waxaa Miisaaniyadooda Bixiya Beesha Caalamka 80%.

Puntlandi.com
Nairobi