Xaawo Mohamud oo loo doortay Gudoomiye Xigeenka Degmada Baran

Golaha Deegaanka Baran ee Gobolka Sanaag ayaa waxay Gudoomiye Xigeenka Duqa Degmada u doorteen Xaawo Maxamed oo noqotay Qofkii Dumar ah oo ugu horeeyey jagadaas ka qabta Degmada.

Xaawo ayaa cod aqlabiyad ah lagu doortay, Waxayna markii hore olole xoogan usoo gashay sidst ugu guulaysan lahayd.

Gudoomiye Xigeenka cusub ee Degmada Baran waxay balan qaadey iney qayb muuqata ay ka qaadan doonto Horumarinta Bulshada Reer Baran.

Xaawo waxay Waxbarashadeeda ilaa Dugsi sare ay kusoo qaadatay Degmada Baran, Waxay Jaamacada ugasoo Baxdey Bosaso , iyadoo soo Basratay Maamulka iyo Horumarinta.

Hambalyo Hambalyo Xaawo.

Puntlandi.com
Bosaso