Madaxweynihii hore ee Masar wiilkiisa oo geeriyoodey

Maxamed Murci Madaxweynihii hore ee Masar wiilkiisa Cabdullaahi Murci ayaa Wadne istaagay ugu geeriyoodey Xaafada Gaza ee Magaalada Qaahira.

Aabihiis Maxamed Murci isna sidaas oo kale ayuu Wadne istaag ugu geeriyoodey Xabsi uu ku jiray.

Wiilkiisa hada geeriyoodey Cabdullaahi Murci wuxuu Ahaa afhayeenka Reer Murci xiligii Aabihiis la xiray iyo Markuu geeriyoodey, wuxuuna Ciidamada Masar ku eedeyn jiray iney ka dambeeyey Geerida Aabihiis.

Cabdullaahi Murci wuxuu kaloo Geerida Aabihiis ku eedeeyey iney ka dambeeyey Shaqsiyaad sare oo uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukuumada hada talada heysa oo ahayd Xukuumadii Xooga kula wareegtay Awooda Maxamed Murci oo Madaxweyne ah isla markaasna Xabsiga dhigtay.

Geerida wiilkaan oo Dhowr iyo labaatan jor ahaa ayaa shakiyo badan Abuurtay.

Puntlandi.com
Masar