Kiiska Bada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo go’aankiisa la gaaraya 2020

Wararka ay Howlwadeenada Puntlandi Helayaan waxay sheegayaan in Kiiska Bada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu gaari doono sanadkaan soo socda sidaas awgeed uusan jirin wax go’aan ah oo hada la gaaraya,aan ka ahayn dhagaysi dacwadeed.

International Court of Justice, ICJ Ee fadhogeedu yahaybDalka Holland waxay go”aan kama dambeysa ah gaarsaa Bilowga Sanada 2020, sidaasvayaa lagu yiri warar hordhac ah oo aan helay.

Dhinaca kale Kenya waxay Dalbatay in Kiiska dib looguvdhigo, Kenya waxay sheegay inay ku mashquulsanbyihiin in Kiiska looga maalmo Maxkamada, oo ay labada Dal si kale u dhamaystaan, waxay kaloo sheegeen iney ku mashquulsan yihiin Soo uturinta macluumaad Dheeri ah oo ku saabsan kiiskooda.

Soomaaliya wali Way diidan tahay in dib loodhigo Kiiska dhagaysigisa oo todobaadka dambe bilaabanaya.

Sida aan todobaadkii hore Xog ku helnay waxay u badan tahay in Kiiska dhagaysiga dib loo dhigo iyadoo la til galinayo codsiga Kenya, waana taas tan keentay in Go’aanka kama dambeysay ah uu xitaa gaaro sanadkaan soo socda.

Puntlandi.com
New York