Breaking News — Kiiskii Bada ee ka dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya oo dib loo dhigayo

Warar aad ugu dhow Dublamaasiyiin Soomaaliya ayaa Puntlandi.com u sheegay in Kenya ay Dalbatay in dib loogu dhigo dhagaysiga Daceada kala dhaxaysa Soomaaliya.

Kenya waxay shalay gudbisay Waraaqo cadeynayaciney Kenya ku Mashquulsanbyahay in Kiiska lagu dhameeyo qaab Afrikaan nimo oo macneheedu yahay Anaga Reer Afrika ah oo kaashanaya Wadamada kale ee Afrika ayaa Kiiska kawada Xaajoonaya bal in is afgarad laga gaarovKiiska.

Soomaaliya dhankeeda iyagana warqad ay u direen Maxkamada waxay dalbadeen in aan Kiiska dib loo dhigin.

Sida ay sharciyo yaqaano sheegeen waa dhici karat in Maxkamada ay aqbasho dalabka Kenya waayo badanaa Kiisaska ka dhexeeya laba Dal aad looguma Deg Diego oo wakhtibayaa lasiiyas.

Bishii hore ee Ogoosto ayaa Kenya waxay Midowga Afrika ay ka Dalbatay in labada Dal lakala dhexcgalo, Waxayna Midowga Afrika ay qaban qaabiyeen kulan dhex mara Madaxweynayaasha labada Dal, Soomaaliya waycaqbashay kulankaas, waxaana la balamay 20 Ogoosto, maalmo kadib kulankii wuxuu ka baaqday dhanka Soomaali

maalin kadib maalintii la balan sanas ayaa Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad wuxuu Warqad uu u diray Xoghayaha Midowga Afrika Moussa Faki wuxuuna u sheegay iney Soomaaliya ay ka warsugayso Go’aanka maxkamada intaas wixii ka horeeyana Soomaaliya cidna kalama hadlaysovKiiska.

Dhagaysiga Dacwaduvwuxuu sida qorsheysan uu bilaabanayaa 9ka bishaan sebtembsr.

Puntlandi.con
Nairobi