Soomaaliland way ka beensheegaan cida saxiixda Mashaariicda ay deeqda u helaan“Bakhtiga waan cunin Fuudkiisana waa xaaraan”

Dhowaan waxay Soomaaliland shaacisay in ay diideen mashruuca ay Soomaaliya ugu deeqeen Midowga Yurub ee lagu dayac tirayo wadada Berbera iyagoo ka duulaya inay yihiin Fowlad madaxbanaan, Cidii wax ugu derqaysana aysan usoo marin wadaan kale, hadalkoodu wuxuu ka dhigan yahay Macquul sidee ku noqonaysaa in Mashruuc loogu deeqay Jabuuti in Soomaaliya saxiixdo

Laakiin Xaqiiqda sidaas ay Siyaasiyiinta Soomaaliland ay wax u sheegayaan ma ahan, Dhamaan Mashaariicda laga fuliyo Soomaaliland waxaa siyaabo kala duwan u Saxiixa Xukuumada Dhexe ee Soomaaliya (Muqdisho),sidaas si le’eg Puntland, waana qayb kamid ah Heshiisyadii Soomaaliya looga saaray Kumeelgaarnimada iyagoon wax sharuud ah lagu xirin, macneheedu waa Dowlada Dhexe ma diidi karto saxiixa mashruucda Khilaaf kastoon kala dhexeeya Maamulka mashruuca ku socdo.

Soomaaliland waxay qaylisaa oo kaliya markii Saxaafada loosoo bandhigo saxiixa, iyadoo Shacabka Ka iibinaysa inay Dowlad madaxbanaan yihiin, “Qancin Shacab oo khiyaali ah”.

Waa xaqiiq jirta in Mashaariicda Soomaaliya ay hesho oo dhan ay saxiixaan Wasiirada ku shaqada leh mashruuca, waayadii Kumeelgaarka la yeeri jiray, Way jireen mashaariic toos loo sin jirqy Puntland iyo Soomaaliland, laakiin taas waxay ku keyd Markii Dalka laga saaray Nidaamkaas.

Mid kamid ah Wasiirada Soomaaliya. Oo aan ka balan qaaday inaanaan magacaabin oo aan arimahaan wax kanwaydiinay Ayaan waydiinay su’aal ahayd “Sidee Shacabka Soomaaliland ay ku go’aan karaan Xaqiiqda Cida saxiixda Mashaariicda?, wuxuu ku jawaabay sidaan “ Hadaad doonayso inaad wax ka ogaato Mashruuc socda Xaqwaxaad u leedahay inaad la xiriirto Wasaarada (Dowlada Dhexe ee Soomaaliya) ay qusayso Mashruucaas , waan bixin karaa information noocaas ah oo Qof muwaadin ah kasoo waydiiyay, waxaynanq qayb kantahay Shaqada hufan ee Dowæadnimada in shacabku go’aan karaan sida wax u socday.

Puntlandi.com
Garowe