Breaking News- Xog- Dowlada Federaalka oo Itoobiya ka Dalbatay. Ciidan Dheeraada

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen ilo wargaleena ayaa sheegay in Dowlada asoomaaliya ay Ciidan dheeraada oo ka baxsan Howlgalka Amisom ay ka dalbadeen Dowlada Itoobiya,Itoobiyaan Way aqbashay codsigaas.

Ciidamadaan ayaa Xukuumada afederaalku waxay u adeegsanaysaa Shaqooyinka ay Xukuumadu ka fulinayso deegaanada aysan awoodoodu gaarsiisnayn sida Galmudig.

Sida aan Xogta ku heayno Dowlada Federaalka iyo Itoobiya waxay sii deyn sadeen Ciidamada Amisom ee hada la geeyey Dhuusamareeb.

Jawaabtii Codsiga Dowlada Federaalka ayaa Amisom ku sheegay in aysan ogolaansho u hayaan Deegaanka inay ku sugnaadaan Sadex bilos waxba badan, wixii intaas ka badan waa inay dhaqaale ka dalbadan Qolyaha bixiya kharashaadka Amisom, rajo wanaagsana lagama qabo inay Qolyahaass ay taageeraan Qorshaha Dowlada Federaalka ah ee Dhuusamareeb, taasaana keentay inay Dalbadaan Ciidan Itoobiyaan ah oo Dalka kusoo gala iyagoon wadaan Magaca Amisom.

Itoobiya horay ayay dhowr jeer u dambeysay inay Ciidamadeeda Soo galiso Soomaaliya iyagoon wax Mandate ah ka hayaan cidna.

Sida aan xogta ku heyno Ciidamada Jabuuti waxay Dhuusamareeb Joogayaan Sadex bilos waxaa kadib badali doona Ciidan Itoobiyaan ah oo aan ka tirsanayn Amisom.

Puntlandi.com
Garowe