Warbixin Kiiska Bada ee Soomaaliya iyo Kenya oo bilaabana, Kiisku ma. Aha Kiis loo adeegsan karo Siyaasad

Kiiska Bada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo wajiyo badan soo maaray ayaa hada gabagabo maraya, Maxkamada Aduunka Haag oo uu kiisku mudo yaalay, ayay todobaadkaan dib u furayaan.

Xukuumadii Madaxweyne Shiikh Shariif Sh. Axmed iyo Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid ayuu kiisku bilowday xiligasoo ay Soomaaliya ka war heshay in Kenya uu damac ka galay qaybo ka mida Biyaha baaxada weyn ee Soomaaliya.

Kulamo dhowra oo dhacay kadib waxay Kenya iyo Soomaaliya ay afgarad ka gaareen in laba Gudi ay kawada hadlaan Arinta, Wadahadalo dhowra kadib, Waxay Soomaaliya soo istaagtay in Kenya aysan lahayn Bada ay ku andocoonayaan.

Waxaa jiray Dacaayado Siyaasadeed oo suuqa galay oo ay kamid ahaayeen Bad baa la iibsadey, Laakiin waxaa xaqiiq ah in hadii aysan Xukuumadii Madaxweyne Sheikh Sharif aysan kiiska bilaabeen in Arinta ay maanta intaas ka waynaan lahayd.

Xukuumadii Xasan Sheikh

Xukuumadii Madaxweyne Shariif markuu wakhtigu ka dhamaadey oo ahayd markii muranka Badu uu xoogaystey waxay Kiiska uga tageen Bülow wanaagsan oo Kenya ka hor istaagay inay shidaal ka baarto dhulka ay sheeganayso, Waxay xiligaas Soomaaliya wargalisay oo u sheegay in Badaan aysan Kenya lahayn shirkadihii ay Kenya heshiiska la gali lahayd oo ay ka mid ahayd Shirkada Stateoil oo Norway laga leeyahay

Kadib Xuluumadii Madaxweyne Sheikh Sharif

Koox cusub oo Madaxweyne Xasan Sheikh uu Hormuud u ahaa ayaa Villa Soomaaliya la wareegay.

Xukuumada cusub waxay Kiiska Bada u maareeyeen si siyaasadeysan, Waxay Kenya u sheegeen in ay taagan yihiin halkii ay Xukuumadii hore taagneyd, iyagoo xeerinaya Xiriirka Walaaltinomo ee labada Shacabka waxay Soomaaliya Kiiska u gudbisay Maxkamada Aduunka ee Haag, Dhowr jeer ayay maxkamada dhagaysatay labada dhinac ee is haya.

Kenya dhowr jeer ayay isku da’yday iyadoo kiisku yaal Maxkamada Aduunka iney Soomaaliya ay si hoose u wada hadlaan, Soomaaliya iyadoo qaab Dublamaasideed adeegsaneysa waxay Kenya ka dhaadhiciyeen iney ku iimaansato oo ay sugto Go’aanka Maxkamada Aduunka, Sidaas ayay Xukuumadii Xasan Sheikh iyo dhowrkisii Raysal wasaare ee xilka isaga dambeeyey ay soo gasrsiiyeen Kiiska

Xukuumada Farmaajo iyo Kheyre

Kenya waxay is tustay iney ka faa’iideysato kooxdaan cusub ee Villa Soomaaliya awoodeeda la wareegay, waxay shukasnsi u gashay in Kiiska Bada lasoo wareejiyo Maxkamada oo labada Dal ay si hoose u wada dhameystaan, ogowna Kenya isku datgaas Way samaysay Xiliyadii Xukuumadihii Sharif iyo Xasan Sheikh

Dowlada Kenya waxay xiligii Madaxweyne Xasan Sheikh ay dhowr jeer isku dayeen in ay labada Dal ka dhex abuuraan Buuq siyaasadeed Si haka loo galiyo Kiiska Bada ee yaal Maxkamada Aduunka laakiin Soomaaliya waxay xiligaas ka fogaadeen wax walba oo abuuri kara colaad dhex marta labada Dal, si Dublamaasiyadeed oo qosolkii Xasan shiikh feer socdo ayay kaga hortageen abaabulkii Kenya, Kenya candhuufteedii ayay dib u liqeen, waxayna joojiyeen isku daygii noocsaas ahaa.

Markay curatay Xukuumada Madaxweyne Farmaajo waxay Kenya dib u bilowday ololihii Bada iyo in Buuq Siyaasadeed laga dhex abuuro labada Dal, Saan kor kusoo gudbay Soomaaliya Maraykanka (Xukuumada Farmaajo) Way diideen in Kiiska si hoose looga wada hadlo oo lagasoo wareejiyo maxkamada Aduunka, sidii ay sameeyeen Xukuumadihii hor.

Laakiin Xukuumada Farmaajo uma aysan Maareyn Kiiska sidii Xukuumadihii hore, Waxay bilaabeen iney ku dhaqaaqaan talaabooyin badan oo ay ka muuqdaan Qibrad yari Siyaasadeed, talaabooyinkaasoo Kenya u sahlay inay hesho waxay doonayay oo ahaa in Buuq Siyaasadeed uu mar uun ka dhex qarxo labada Dal.

Shirkii London ee Shidaalka Soomaaliya looga hadlayay wuxuu ahaa qaladka kowaad iyadoo dhowr jeer looga dhigay Soomaaliya in ay ka fogaadaan waxwalba oo waxbu dhimi kara ama hoos u dhigi kara Kiiska inta uu Maxkamada yimaado.

Weeraro afka ah oo ay Xukuumada Soomaaliya ku qaadey Kenya, iyo Abuurid Colaadeed ayaa Kenya u sahlay inay abuuraan Buuq Siyaasadeed. Waana tan ilaa maanta taagan, Arimahaan waxay wax weyn u dhimayaan Kiiska Bada ee dhex yaal labada Dal.

Gabagabo iyo Kiiska oo dhowaan furmaya

Kiiska Bada waa National Interest waa arin Qaran oo ma ahan arin u yaal oo qura Farmaajo Iyo Kheyre ama iyaga lagu dhaliili karo ama loo adeegsan karo qaab Siyaasadeed oo iyaga lagula dagaalami karo, waa kiis ay maxkamada geeyeen Xukuumadii Xasan Sheikh, Xukuumada hadana meeshii ayay kasii waday oo waajibkoodii Bay guteen, ma ahan Kiis ay qolo goon ah ay Dhibco Siyaasadeed ku raadsan karto, Maamul Goboleed, Mucaarad, Xisbiyada Siyaasada, Xukuumada Dhexe dhamaantood buu uyaal waana inay isku meel ugasoo wada jeestaan.

Puntlandi.om
Muqdisho