Faalo gaaban- Booliska Muqdisha sharci ma u leeyihiin iney Xiran Wasiir Maamul Goboleed

Wasiirada Maamul Goboleedku waxay leeyihiin Xasaanad la mid ah tan Xildhibaanada Federaalka ama Wasiirada Federaalka, Waa iclaamin Dagaal Arinta ka dhacdey Muqdisho shalay oo sabti ahayd.

Taliye Xigeenka Bileyska Muqdisho Sakiya Xasan waxay sheegtay in Bileysku ay xireen Wasiirkii Amniga Jubbaland dambiyo loo heysto awgeed, laakiin waxay hilmaantay in Dastuurka u ogolaanayo iyo in kale iney Xabsi iska dhaafe ay Awooda inay su’aalo waysiiso Wasiirka. Jawaabtu waaa MAYA

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ee hada Xilka loo magacaabay wuxuu horay u ahaan jiray Gacan yarihii Muuse Suudi (Qabqable Dagaal), Taliyaha Cusub ee Asluubta wuxuu Baydhabo ka dambeeyey Dilkii 4 Qof oo u banaan baxayey ka banaan baxayey Xariga Muqtar Roobow,(waa Odeyga ku caan baxay “XABAD BAAN DABADA IDINKA GALINAYAA” ) Taliyaha NISA Loo magacaabay wuxuu gacan saar weyn la leeyahay Al-shabaab.

Xariga Wasiir Cabdirshiid cidna daah ugama Dadna Sababta ka dambeysa ee deg deg hadaan lagu soo deyn, tan kale waa in maxkamada lasoo tagaa cidii ka dambeysay Xarigiisa.

Dhaqaan cusub ee hada Muqdisho ka bilowday wuxuu horseedayaa in Nin walba Qof kii Goofkiisa ugu yimaada uu iska iska xirto”.

LAJIIFIYAA BANAAN
W/Q
Maxamed Skeikh Yaasiin
Kismaayo