Mudahaarkii Kismaayo oo sii xoogeystay,

Mudahaar saaka ka bilowday Kismaayo ayaa loogasoo horjeedaa Xukuumada Federaalka oo lagu eedeeyey iney sivqaldan u isticmaaleen Awoodii Dowladnimo.

Cabdikariin Xuseen Cali oo kamid ah qabanqaabiyayaasha Mudaharaadka ayaa wuxuu yiri” Tani waxay muujineysaa in aan la fahan saneyn sababta ay Soomaali uvqaadatay Federaalka,, Awooda Dalka ineysan koox kaliya ama Reer kaliya aysan gacanta u galin oo aan dib loo xasuusan qaladaadkii Dowladii Dhexe ee barisamaadka, ayaa Federaalka loo qaatay, in Awooda loo adeegsado Dani gaara Ana Dano qabiil socoto mayso,”

Mudaharaadka Kismaayo ka socda ayaa yimid kadib markii ay Xukuumada Federaalku ay sheegeen in Diyaaradii Kismaayo kasoo dageysa lagu amray iney marka hore Muqdisho soo marto.

Mudaharaadka oo u socda si nabadeed hadana Amaanka Kismaayo dhulka iyo Bada si gaara ayaa loo sugay.

Maanta ayay war kasoo saaraysaa Jubbaland xanibaada kasoo yeertay Villa Soomaaliya

Hoos ka daawo sidii ku bilowday Mudaharaadku