Warqad laga dhigay inuu Madaxweyne Axmed Madoobe u diray Madaxweyne Farmaajo , warqadu waa been abuur

Warqad lagu been buur tay oo laga dhigay inuu Madaxweyne Axmed Madoobe uu u diray Madaxweyne Farmaajo ayaa dhex ordeysa Baraha Lagu qaxweeyo eeInternetka.

Warqada waxaa markii u horeeyey Soo daabacay Nin kamid ah kuwa u ololeeye Villa Soomaaliya, oo horey warar been abuur ah ka baahiyey Xildhibaan Axmed Fiqi xili ay Fiqi iyo Villa Soomaaliya is hayeen.

Howlwadeenada Madaxtooyada Jubbalandayaa Warbaahinta Puntlandi.com u cadeeyey in Warqadaan ay tahay Mid been abuur ah,Sargaal aan la hadalka wuxuu yiri “”Waa been abuur Warqadu, waan stagnation laakiin Macquul ma aha in Qof walba oo Baraha Bulshada wax soo dhiga inaan u jawaabno, Waxaan se kuu sheegayaa waan ognahay ujeeddada laga leeyahay dacaayadaha been abuurka ah”.

Hoos ka eeg Warqada.Been abuurka ah

Puntlandi.com
Kismaayo