Dowlada Federaalka oo isbaaro u dhigatay Diyaaradaha ka yimaada Nairobi ee Kismaayo u socda

Xukuumada Federaalka ayaa waxay bilowday Dagaal cusub oo aan la ogayn sat ugu guulaysan doonto, Maamulka Hawada Soomaaliya waxaa lagasoo wareejiyey Nairobi iyadoo heshiiska soo wareejinta ay wada gasten Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyadu

Dowlada Federaalku waxay soo saartay amar lagu maniucayo Diyaaradaha ka yimaada Kenya ee kasoo degaya Kismaayo, waxayna ku amreen Diyaaradaha iney soo maraan Muqdisho.

Arintaan ayaa timid kadib markii Villa Soomaaliya looga itaal roonaaday Doorashadii Jubbaland iyo khilaafka Kenya iyo Villa Soomaaliya oo sii xoogaysanaya.

Dagaalkaan cusub ee Villa Soomaaliya ay bilowday ayaa ah mid ku salaysan sidii loo xakamayn lahaa Xiriirka Madaxda Jubbaland iyo Masuuliyiinta Kenya ee Asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, waxaa kaloo lagu hor istaagayaa In aysan Masuuliyiin Reer Kenya ah aysan kasoo qayb galin Caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxaa shaki ku jira sida uu u hirgali karo Amarkaan, waxaa kaloo la sugaya qaabka ay uga jawaabaan Kenya iyo ajubbalsnd weerarkaan cusub .

Puntlandi.com
Kismaayo