Beelaha Gobolka Galgaduud oo ugu baaqay Dowlada Federaalka iney joojiyeen colaada ay ka hurinayaan Dhuusamareeb.

Mid kamida Beelaha ugu Tunka weyn Gobolka Galgaduud ayaa Taliye Fahad Yaasiin waxay ku eedeeyeen inuu Gadaal kasoo riixayo Dagaal lagusoo qaadey Dhuusamareeb.

Qaar ka mida Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Galgaduud ayaa Warsaxaafadeed waxay Xukuumada Federaalka ugu baaqeen in la joojiyo Ciidamada lagusoo qulqulinaya Gobolka, Odoyaashuvwaxay Varabaabeen in Taliyaha NISA Fahad Yaasiin uu masuul ka yahay Ciidamada loosoo diray Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa isku hor fadhiya Ciidamada Ehlu Suna iyo Kuwa Federaalka, waxaana jirta cabsi weyn in Dagaal uu ka dhex Qarxo.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka