Jubbaland oo hoos ubdhigtay herria illaalinta Amaanka, Una fasaxdey madaxda Federaalka Jubbaland

Laga bilaabo maanta madaxda Federaalku Way soo gali karaan Jubbaland, maadaama laga baxay xiligii Doorashada, waxaa Sidaas Go’aamoyey Golaha Wasiirada Jubbaland, waxaana Ciidamada lagu amray iney xeeyohooda ku noqdaan Amaanka Magaalooyinkana ay la wareegay Boomisku, maadaama iyana lagasoo gudbay maalmihii Doorashada ee Amaanka lavadkreyey.

Kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa Wasiirada qaarkood looga dhagaystay warbixin iyo soo jeedin.

Wasaarada Amniga Jubbaland ayaa soo jeedisay in Heerka Amaanka oo maalmihii lasoo dhaafay la geeyey meesha ugu saraysa ay hada hoos u dhigayaan maadaama aysan jirin culeys amaan xumo iyo iyadoo lagasoo gudbay maalmihii Doorashada, Golaha wasiiradu waxay racen soo jeedintii Wasaarada Amniga.

Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland ayaa iyana soo jeedisay in Xayiraada laga qaado smaduuliyiinta Federaalka maadaama aysan hada jirin wax culeys ama Awooda ah oo ay ku hayaan Jubbaland, taasna Wasiiradu Way aqbaleen macneheedu waxaa weeye Masuuliyiinta Federaalku waxay si xor ah ugasoo Deni karaan Garoomada Diyaaradaha Jubbaland.

Waxaa iyana kulanka looga hadlay Xaalada Guud ee Soomaaliya, gaar ahaan Xiisada Ka taagan Galmudug, waxayna soo jeediyeen in baaq nabadeed loo diro Galmudug.

Xuduudaha ayaa iyana laga hadlay waxayna Golaha Wasiirada ay Madaxweyne Axmed Madoobe usoo gudbiyeen warbixin ku aadan Xaalada Xuduuda Kenya iyo Jubbaland, Warbaahinta uma suuragalin iney helaan macluumaadka Warbixintaan ku saabsan Xuduuda.

Puntlandi.com
Kismaayo