Qaban qaabada Caleemasaarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo Kismaayo laga dareemayo

Nadaafin iyo surida Calamo ayaa Kismaayo ka socda, Waxaa la dareemayaa sidii ay maalin ciida kusoo Foos leedahay Magaalada, waxaa loo Durban tumayaa oo la isu diyaarinaa Soo dhaweynta Madaxweynaha mar labaad loo doortay hogaaminta Jubbaland.

Howlwadeenada Madaxtooyada Jubbaland waxay wadaan qanqabada Caleema saarka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa la diyaariyey shaqsiyaadka la casumayo iyo qaabka ay u dhagayso Caleema saarku, tasoo lagusoo aadinayo kadib magacaabida Golaha Wasiirada.

Ugu yaraan 52 Qof oo isugu jira Masuuliyiin sarsare oo xil haya hada iyo kuwa xilal sarsare usoo qabtay ayaa liiska Dadka lacasumay ku jira, waa sida ay Howlwadeenada Puntlandi.com ay xanta ku Helene.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu khudbad meelo badan taabanaysa uu jeediyey doono maalintaas la Caleema saarayo.

Sida aan warka ku heyno Caleema saarku waa 28/9,2019

25/9,2019 waa maalinta lasoo bandhogayo Xukuumada cusub ee Jubbaland.

Puntlandi.com
Kismaayo