Farmaajo iyo Kheyre : – Maamul-Goboleeddadu dastuur bay ku dhisanyihiin!

Qore: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Golaha xukuumadda dowladda Federal-ka ah taliyeyaasha ay xilka ka qaadeen Gen. Indho-Qarshe, Gen. Bashiir Ameerika iyo Gen. Bashiir Goobe ma faal baa sheegay mise dhaliil la qiimeeyay iyo qaynuun baa xilka looga qaaday? Yaase lagu bedelayaa?!… Xil ka qaadista taliyeyaasha ayaa waxaa si buuxda qeexitaan ugu noqon kara magacaabista Fahad Yaasiin loo magacaabay taliyaha ciidanka nabad sugidda qaranka! Waxayna taas macnaheeda tahay in dowladda Qadhar ay arrintaas ka dambayso isla markaasna ay tahay mid lagu raali gelinayo, taliyeyaasha saraakiishaas bedelayana waxay noqonayaan kuwo ay iyadu soo jeedisay. Waxaa haboon in maanka lagu hayo in xilligii doorashada ay ka hartay muddo aan badnayn, talaabo kasta oo ay maant qaadayaan Farmaajo iyo Kheyre ay waxaa mudnaanta hore leh tahay ololaha doorashada Qadharna abaal hore bay ku lahayd sida la sheegay mid kalana waa laga rabaa!… Mase golaha dhan ee xukuumadda ah ee khamiis kasta shira, waxay la noqotay in ciidamo colooshood u shaqaystayaal ah Itoobiya laga keensado si loogu dumiyo Maamul-Goboleed Soomaaliyeed oo dastuurka dalka ku dhisan markii lagu guul daraystayna ma waxay jawaab uga dhigeen ansixinta in la eryo saraakiishii amniga?!… wali yaa is gaaray?! Siyaasadda Farmaajo iyo KHeyre xikmaddedu waxay ku soo ururtay inay dalka ku xukumaan lacag laaluush ah iyo baabi’inta hay’adihii sharci ilaalinta iyo in maamul goboleedadii lagu cabsi geliyo Itoobiya, waxayna arrintaan qayb ahaan sharaxaad ka bixinaysaa heshiisyadii qarsoonaa ee Abiy Axmed iyo Max’ed Cabdullaahi Farmaajo…

Waxaa dalka ka socda waa dagaal ay bilaabeen Farmaajo iyo Kheyre, waxaana arrin wanaagsan oo runtii dalka iyo dowladnimada u hiilinaysa ah inay fahmeen maamullada dalka ka jira. Doorashadii Jubbaland ka dhacday waxaa shaki la’aan ah inay indhaha ku kala qaadeen maamul goboleeddada kale ee dalka ka jira, haddii ay ahaan lahayd; Koonfur-Galbeed, Hir-SHabeele, iyo Ahlu-Sunnah oo iyadana hadda ku baraarugtay in danta ay Farmaajo iyo Kheyre ka leeyihiin keenista ciidammada AMISOM gobolka Gal-Mudug in ay tahay oo keliya in iyaga lagu caburiyo. Waxaa kaloo guul ah oo shaki la’aan ay tallaabadaan keenaysaa in cabsidii badnayd ee ay qabeen maamul-goboleeddadu ay meesha ka baxdo oo ay ku ad-adkaadaan xuquuqdooda dastuuriga ah. Sidaasoo kalana maraan fogeyn, sida lagu yaqaan madaxdaan dadkooda ixtiraamin waxaa bilaaban doona faro isku taag-taag iyo in siyaasiyiintii midaysnaa ay is eedeeyaan, maxaa yeelay markii horaba qaynuun iyo xeer laguma wada socon ee waxaa dan-wadaag lagu ahaa laaluush iyo cabsi laga qabay ballan qaadyadii qarsoonaa ee Farmaajo ka haystay Abiy Axmed, ballan qaadyadaas oo siyaasigii aan fahmsanayn ama dammiin ah lagu fahmsiiyay; cararkii SHariif Xasan, xariggii SHiikh Mukhtaar Roobow iyo xasuuqii ay ciidammada Itoobiyaanka ka geysteen magaallada Baydhabo-Jinnaay!…Waysha Gowrac Dibiga Ha Ku Quustee!

Waxaa iyadan jirta, oo aan arrin qarsoon ahayn intii ay hoggaanka siyaasadda dalka qabteen Farmaajo iyo Kheyre in dalalka shisheeyaha ah siiba kuwa deriska gaar ahaan Itoobiya damaca iyo faro gelinta ay dalka ku hayso uu sare u kacay!…Waxayna Itoobiya samaysay waxyaabo meel ka dhac weyn ku ah ummadnimmada iyo qaranimmada Soomaaliyeed ilaa heer ay Soomaaliya khariidaddii adduunka ka tirtirtay kun magacowday kuna dartay sida ay ku qarowdo Abyssinia! Laakiin waxaa arrin wanaagsan ah in shacabka Soomaaliyeed ay la yaabanyihiin in Itoobiya uu hammigaas geli karaba!…Waxaa iyadana dhaar iyo guluf innagu bilaabay dowladda Kenya!…waxay isku soo fidisay berri iyo bad xudduudaheenii, waxay dhistay derbi ay keligeed xudduudda labada dal ku calaamadaynayso iyadoo waliba shacabkii deeggaannada xudduudda ah ku noolaa guryahoodii ka dhigtay mid ay dumiso iyo mid ay xudduudda Kenya ku darsato!…ilaa iyo maantadan la joogo dowladda Kenya waxay ku murmaysaa xadka biyaha Soomaaliya, waxayse runtu tahay ama Soomaaliya ha loo xukumo ama yaan loo xukumin dadka Soomaaliyeed inay yaqaanaan xudduudda dalkooda , dhaarta iyo qaylada aan joogsanayn ee Kenyana aysan waxba qiimo ah agtooda ka lahayn.

Waxana intaas dheer kalsooni darrida Kenya ay ka qabto maxkammadda lagu magacaabo inay tahay maxkamaddii addunka ay khatarteeda ugu ee ka badan annaga Soomaaliya ku dhici karto oo baddeeda indhaheeda oo soo jeeda loo hadiyeyn karo Kenya!…Waa arrin aad suro gala u ah!…Balse iska dhaaf qaylada, iyo boorka ay kenya kicinayso e’ Kenya ma waxay la tahay hadday maxkammadaas u xukunto biyaha Soomaaliyeed, wayna u badantahay in loo xukumo e’inay dal Somaaliyeed sidaa ku qaadan karayso?! Waxaan u qabay Kenya inay intaas ka caqli badantahay!… Dowladda Kenya waxaa la gudboon inay garato xad gudubyada ay ku hayso Soomaaliya inaysan wax dan ah ugu jirin labada dal iyo labada shacab midna, sidaas oo kalana ay si maan gal ah u fekerto oo ay fahamto in heshiis uu waziir saxiixay dal ummad leedahay aan lagu qaadan Karin!…Soomaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!

Waxaa dabeecad noqotay in madax-weyne kasta oo la soo doorto uu noqdo mid dal shisheeye u kiraysan, mid dal shisheeye u maal gashaday, ama mid dal shisheeye baa keensaday la leeyahay, waa wax lala yaabo!… Madax-weyne kasta oo yimaaday wixii ka dambeeyay Siyaad Barre, waxaa la lahaa dowlad baa keensatay, run ahaantiina ma aha arrin la beensan karo, oo waxaa arrin la wada ogyahay ah in golaha shacabka ay laaluush wax ku doortaan, markaas qofka u tartamaya xilka madax-weynaha ee aan haysan lacag uu ku bixiyo laaluush shaki la’aan waxaa maal gashanaya dowlad shisheeye oo lacagtii uu laaluushka ahyd siinaya sidaasna ku yeelanaya mada-weynihii dalka!… Waa nasiib daro! Wax kale iska dhaafee dastuurka dalka loo sameeyay, habka xulashada xil-dhibaannada, iyo qaabka awoodaha golayaasha waa hab loo diyaariyay in lays qabqabsado, waxaana sidaas loo yeelay in mar kasta ay bannaanaato kaalin uu shisheeyuhu ku leeyahay talada dalka, waana wax ku talo gal ah oo ay soo diyaarisay wax Beesha Caalamka isku magacaaba!… Marka waxaa loo baahanyahay in laga sii fekero nidaamkii iyo awooddii looga hor tegi lahaa laaluushka laynooga dhigay caadiga oo aad mooda hadda inuu ka baxay waxyaabihii laysku ceebayn jiray!

Dagaalka maamul-goboleeddada iyo dowladda federal-ka mar hore ayuu ahaa inuu bilowdo laakiin waxaa intaas lagu soo gaaray dul-qaadka madaxda maamul-goboleeddada iyo u hoggaansanaantooda qaynuunka, hasa yeeshee sida ay Jubba-Land isaga celisay xad-gudubkii iyo faro gelintii dowladda federal-ka waxaa fiicnaan lahayd inay noqoto waayo aragnimo ay madaxda dowladda federal-ka ka faa’idaysato ama garansiisa dalka inusan u baahnayn madax ku fekeraysa inay maquuniso madaxda talada dalka la wadaagta si ay kaligeed u taliso, waana maquunintaas waxa dalka golihiisii shacabka u maqanyahay, waa maqunintaas waxa aqalkii sare u maqanyahay, waana maquunintaas uu qof kasta oo xafiiskaas yimaado oo doonayo inuu dadka kale ku sameeyo!…mana jirto cid ilaa iyo hadda ku liibaantay, waana halkaas meesha dalku ka naafoobay! Farmaajo iyo Kheyre, iyo dalal shisheeye mooyee cid kale talada dalka waxba kuma laha!… Haddee suuro gal ma tahayna?!… haddii ay sidaas madaxdii go’aansatay, iyaga miyeyesan ka shaqayn inaan khilaaf laga bixin?!…”Ma aqoonsanin!” “Ha I Aqoonsan waligaa!”… oo sidaas maxaa ku soconaya?!… mana aha in madaxda ay doorashadii Jubba-Land ka dhacday u aragto mid iyada looga adkaaday awood, laakiin waa inay garowsataa inay iyada istaagtay dhinac khaldan oo ay hareer martay si waliba kibir ku jiro u inkirtay xuquuqda dastuuriga ah ee hannaanka dorashooyinka ka dhacaya maamul-goboleeddada waxa la dirirayna uu yahay dastuurkii iyo qaynuunkii dalka oo hiil ka helay dad-weynihii iyo maamul-goboleedkaas, taasi macnaheeda ma aha inaysan jirin dad aan badanyn oo madaxda xukuumadda federalka kula socday khaladka ay wadeen!…

Tan kale ee u baahan in doorashadii ka dhacday Jubba-Land laga barto waxay tahay dagaalka noocaan ah inuusan sidaas ku dhammaan oo wixii hadda ka dambeeyo dhibka uu intaas ka badan karayo haddi aysan wax iska bedelin dhaqanka ah in madax-weyne kasta marka uu xilka yimaado uu u dhaqmo sidii uu keligiis dalka leeyahay!… bal madaxda ha is weydiiso; Dal Xor ah baad u timid ma adiga keligaa baa xoreystay?!…Dal nidaam iyo qaynuun leh hab dowladnimo inuu u shaqeeyo loo diyaariyay baa timid ma digaa keligaa baa sidaas u diyaariyay?!… Dal dhisan baad timid ma adiga keligaa baa dhistay?!…Inaad nabad ugu noolaato oo aad madax-weyne ka noqoto waxaad ku heshay oggolaanshaha iyo u hoggaansanaanta dadka ee qaynuunka, marka goormaad gooni u yeelatay?!…Waxaana guud ahaan siyaasiyiinta daba-dhillifyada ah haboon inay is weydiiyaan, shacabka dowladnimmada aad magaca ku yeelatay u soo halgamay sidee baad ugu soo wadataa cadowguu kula soo dagaalay dowladnimmadaas maanta markuu burburay?!… Maamul-Goboleeddadu waxaa shaki la’aan ah mar kasta oo la soo doorto madax-weyne cusub inay dagaal isu diyaarinayaan, waayo waxay iska barteen madax-weyne kasta oo yimaada inuu anaani yahay, inuu doonayo talada dalka inuusan ku maamulin xaqa uu dastuurka siiyay!…waa wax aad looga xummaado… madax-weyne ama ra’iisal wazaare isku qiimayniya waxa Beesha Caalamka loogu yeero baa I ammaantay, marka siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee iga soo hor jeeda waa khaldanyihiin!…

Gal-Mudug iyo Hir-SHabeele, siyaasiyiintooda haddii ay mas’uul yihiin waa inay si degdeg ah heshiis u gaaraan, waa inay xal keenaan iyagoo maanka ku haya haddii khilaafka uu sii socdo inuu u gudbiya dadka shacabka ah (Waaba gudbayee) hana sugina inay dib idin heshiisiiyaan kuwa isku kiin diray ee idin kala qaybiyay, waxaana arrin laga xummaada ah oo xil kasnimo daro badan ay ka muuqataa ilaa iyo hadda in shirkii Hobyo ka socda aysan wax natiijo ah ka soo bixin iyo in DHuusomareeb iyo Hobyo wax xiriir ah ama waan ka dhex socota aysan jirin!…Cabdi-Caziiz Lafta Gareen, waa inuu la hadlaa mucaaradkii ay Itoobiyaanka laayeen markii isaga la dooranayay waa inuu talada la wadaagaa waa…waa…waxaana la gudbon dhammaan maamul goboleeddada inay khilaafaadka dhexdooda ah iyo kuwa gudaha maamulladooda maareeyaan intaan la gaarin doorashada soo socota!…Dowladnimmadu tiirarka ay ku taagantahay waa sharciga iyo cahdiga dadku dhigtay oo lagu dhaqmo, quruxda iyo nicmmada laga dheefana waa taladeeda oo la wadaago!